Maayar SOTELCO Oo Degmooyinka 26 JUNE Iyo Ibraahim Koodbuur Ka Dhisay In Ka Badan 10 WADDO Oo Laammi Ah Iyo Warar Sheegaya In La-Samaynayo Wasiirka Caasimadda Oo Ay Hoos Imanayaan Gollaha Deegaanku

0
662

Hargaysa(Halsan):- Maayarka Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa isa-soo-taraysa Cabashooyinka Xoogan ee ay ka muujiyaan Badiba Degmooyinka Caasimadda Hargaysa ee uu Maayarka ka yahay.

Caalad-daro baahday oo ay ku badhi-taageerayaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,ayuu Maayarku ku kala qeybiyay Degmooyinkii Caasimadda.Maayarka ayaa ku dhawaad 15 Waddo oo laami ah ka dhisay Degmooyinka 26 June Iyo Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargaysa,halka ay Walli baylahsan tahay,isla markaasna uu dayac xoogani ka Muuqda Wadda Hal-bawlaha ah ee Madaarka Magaaladda Hargaysa,taas oo ah Muraayadii Dalka,waxaana uu si toos ah iskaga dhago mariyay Maayarku Dalabaad isdaba-joog ah oo loogu sheegay inay si siman Magaaladda u wada dhisaan.

Sababaha ugu badan ee uu Maayarku iskaga dhego marinayo Cabashooyinka,ayaa lagu sheegay inay tahay isaga oo Is-macaashiiyay in aan Xilka Maayar-nimo laga qaadahayn inta ay Xafiiska Joogto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,taas oo ku haysto Masuuliyiin ay Isku beel yihiin oo Awood badana ku leh Qasriga Dalka looga taliyo ee Madaxtooyadda,waxaana masuuliyiintaas kaw ka ah Wasiiradda Maaliyadda Iyo Arrimaha Dibadda oo ay Isku beelyihiin.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira Warar sheegaya inay Suura-gal tahay Madaxweynaha Laga dalbado inuu Magaacaabo Wasiirka Caasimadda,taas oo ay Hoos iman doonaan Gollaha Deegaanka ee Magaaladda Hargaysa,isla markaasna si siman Loogu qeybiyo Degmooyinka Mashaariicda Hormaurineed ee ay Dawladda Hoose Fuliso Gaar ahaana Mashruuca Maamul-dejinta Dawladda Hoose ee loo yaqaano GPLG-ka,kaas oo la sheegayo in si weyn loo musuq-maasuqay sannadihii ugu danbeeyay ee Maayar SOTELCO Xafiiska Joogay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here