Maayar Sotelco Iyo Xoghayaha Fulinta Ee Dawladda Hoose Oo Isku Maan-dhaafay Amar Uu Maayarku Kusoo Rogay Ciyaartoyga Dawladda Hoose Iyo Xan Sheegaysa In Saxeexa Xoghayaha La-Isticaamaalo Oo Banaanka Timid

0
649

maayar soltelcoHALSAN MEDIA HARGEISA 25/08/2015 Waxa markaliya dibadda usoo baxay kala socoshadda u dhexaysa Maamulka Dawladda Hoose ee Hargaysa,gaar ahaana Maayar iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose.
Labba Cisho ka hor ayaa Maayar Sotelco soo saaray Wareegto uu kaga mamnuucayo Ciyaar-yahanadda Dawladda Hoose inay u ciyaaraan Ciyaaraha Goboladda gobol aan ahayn Maroodi-jeex,kaas oo saamayn taban ku yeelanayay Ciyaar-hayanka Caanka ah ee Maxamuud Kofindha’ oo sanadkan la filayay inuu Kabtan u noqdo Xulka Gobolka Hawd,waxaana warqadaas lagu lagu amray in aanay Ciyaar-yahanadda Gofindha’ iyo Ayaanle Axmed Maxamed aanay u ciyaari Karin Xul aan ahayn kan Maroodi-jeex.
Hadda,waxa maanta Magaaladda Hargaysa kula hadlay Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose,waxaana uu ganafka ku dhuftay Go’aankaas Ciyaar-yahanadda laga joojinayay inay u Ciyaaraan Xulka Gobolka Hawd,waxaana uu sheegay lnay kala labo yihiin Shaqadda uu ay Ciyaar-yahanaddu Dawladda Hoose u hayaan iyo Cidday u ciyaarayaan.
Waxaana uu yidhi “Inamadu rabitaankooda ayay ugu ciyaarayaan gobolka ay doonaan, shaqada ay dawlada u hayaan iyo ciyaaruhuna waa labo kala madax banaan.
Waxa aan mar kale beeninayaa in dawlada Hoose ee Hargeysa ay culays ku taartay xubno ka mid ahshaqaalaheedu in aanay u ciyaari Karin gobolada Dalka, waxaanse cadaynayaa in ay u ciyaari karaan halka ay doonaan “.ayuu ka yidhi Xoghayuhu Wareegto uu ku saxeexnaa uu Labbo Cisho ka hor la soo saaray.
Arrintan ayaa Muujinaysa sida uu u dhabqay Maamulka Dawladda Hoos ee Magaaladda Hargaysa,iyada oo ay muuqato in Xoghayaha Fulinta la isticmaalo Saxeexiisa isaga oo aan shaqadda Joogin.

Ilaa hadda waxa war ah laga Ma hayo Maayar Sotelco oo isagu iskugu yeedhay Fadhigaas go’aankaas lagu gudoonaysay,isla markaasna Shir-gudoominayay.