Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Oo Ka Warbixiyay Halkay Marayso Dhismaha Wadada Ceerigaabo

0
622

Hargeysa(Halsan): -Mareeyaha wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland Pro Xasan Cali Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa waxa uu ka warbixiyay halkay ay marayso wada ceerigaabo waxaana uu sheegay inta iminka sida rasmiga ah uu u saran yahay daamurku waxaana uu yidhi,

“hawshii markii isbadalku dhacay maxaa kusoo kordhay waa arin u baahan in runta laga sheego daamurka marka aan xaga ceerigaabo kazoo bilowno waa 32KM, markii hore waxa saarna  14KM, waxaana ku kordhay 18KM xaga ina Afmadoobana 10Km ayaa kaga kordhay, intii isbadalku dhacayna 28KM oo cusub ayaa daamur la saaray, isugaynta daamurku manta saran wadada ceerigaabo  waa 52KM”Sidaas ayuu yidhi Pro  Xasan Cali Cismaan

Dhanka kalena maareeyuhu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaalaha u fududeeyay inay dhisamaha wadadu u socoto sida xawliga ah waxaana uu yidhi.

“Saddexdii bilood ee u danbeeyey wadadu waxay u socotaa si xawli ah oo aan odhan karo waxa kordhay inuu 50% ama 60% waana sii laban laaabaynaa insha allah”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Pro Xasan Cali Cismaan

 

Source: Ramaas

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here