Maaraynta arrinta Khaatumo waa fursad macno weyn ugu fadhida dadka reer Somaliland dhan walba..W/Q Cabdifataax Axmed

0
1353

Maaraynta arrinta Khaatumo waa fursad macno weyn ugu fadhida dadka reer Somaliland dhan walba..W/Q Cabdifataax Axmed

 

Maaraynta arrinta Khaatumo waa fursad macno weyn ugu fadhida dadka reer Somaliland dhan walba; Midnimadoodda, Ictiraafkoodda, maamul-wanaagoodda, maaraynta khatarta Somalia ee gobboladda Bariga IWM! Waxa se aan madow ku jirrin in arrinteedda la dhayalsanayo.

Xukuumaddu bulshada ha hor socoto, se yaanay daba soconin! Haddii xukuumaddu ay soo jeeddo, ma jirto sabab Eng. Faysal uu u hor iyo dabo booddo Prof. Ali Khaliif, Khaatumo iyo Faysal na isku rinji u marsanaaddo. Waa dhab Eng. Faysal dedaal weyn buu ku bixiyay

 

in arrinta Khaatumo ay soo dhawaato, se mar walba sidaa toggan wax uma socon doonaan e, si kale ayay isu rogi doontaa. Faysal, Khaatumo wuxuu ka dhigan doonaa awood siyaasiya, una fududaysa rabbitaankiisa! Waa in arrintaa laga feejignaado. Xukuumaddu waa in arrinta Khaatumo si toos ah ula wareegto, qorshe wax qabad oo cad u samayso fullinta heshiiskii la wada galay, kala tashato hawl-galada imika ka socda gobolada bari. Waa in xukuumaddu Khaatumo siiso golle ay si muuqata doorkeedda uga ciyaari karto siyaasadda dalka.

Dhanka kale, is-faham la’aanta Somaliland iyo gobboladda barigu kuma dhamaanayso KALIYA heshiiska Khaatumo. Waxa jira dad badan oo aan taabacsanayn Khaatumo, gobboladaa SSC na ka soo jeedda. Kuwaasi na waxa ay u baahan yihiin in qaabkii loo qancin lahaa la darso, siyaasad cad na laga yeesho! Xukuumaddu doorkeedda ha qaadato, masuuliyadeeda na yaanay dadka u qaybin.

Abdifatah Ahmed