“Maanta Waxa Aan Xor u Nahay In Aan Soo Iibsano Hubka Aan Rabno Inta Aan Awoodno”. Madaxwaynaha Somaliya

0
139

“Maanta Waxa Aan Xor u Nahay In Aan Soo Iibsano Hubka Aan Rabno Inta Aan Awoodno”. Madaxwaynaha Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Dalka looga qaaday Xayiraadda Hubka ee saarnayd tan iyo sanadkii 1992dii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankaan Golaha Ammaanka uu soo afjaray in xayiraaddii abid ugu waqtiga dheereed ee la saaray Dal xubin ka ah Qaramada Midoobay isla markaana muujinaya fursad muhiim ah.

Maanta kaddib ayuu sheegay in Soomaaliya ay xor u tahay soo iibsashada Hubka maadaama meesha ay ka baxday xayiraaddii ka saarneed loona baahan yahay in laga faaiideysto Dalalka xiriirka wanaagsan la leh in ay garab ka doono.

“Waxaa maanta fursad u heysanaa Dalalka nakaalmeynayo aan saaxiibada nahay ee walaalaha ah hub kasta oo aan weydiisano nasiin karaan oo aan naga xadidneen, nidaamkii naga maqnaa ayaan soo dhisnay oo maalinba meel ayaan soo gaarnay waxaana la xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay maareyn karto” Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xakamaeynta hubka uu yahay mid cad, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeynayaan nabadgalyada & ilaalinta hubka dalka soo galaya.