MAANTA IYO TAARIIKHDA

0
647

download (3)MEDIA HARGEISA  21/08/2015-  maanta oo kale taariikhda 1961 , waxaa xabsiga laga sii daayey Jomo Kenyatta oo ahaa hogaankii dhaqdhaqii xornimo doonka ee Kenya , waxaa sii daayey maamulkii gumaysiga ingiriiska ka dib sagaal sanadood oo xadhig isugu jiray xukun iyo rumaan,laba sano ka dib ayay Kenya qaadatay xornimadii , Kenyattana wuxuu noqday raysal wasaare, waxaanu xukunka hayey shan iyo tobansanadood

maanta oo kale 1831 waxaa bilaabmay kacdoonkii adoonsi diidka ee la magac baxay Nat Turner’s , Nat Turner wuxuu ku dhashay adoon waxaana la kala iibsaday sadex jeer isagoo caruura , wuxuu hogaa miyey kacdoonkii adoonsi diidka ee ka dhacay Virginia sababayna dilka 55 cadaanka ah , waxbaa ku yidhi waxaa laguu doortay in aad dadka madaw adoonsiga ka saarto,isaga dad badan oo raacayba waa la qabtay lana deldelay, aargoosi dhacayna waxaa lagu dilay madaw badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here