MAANSADA GUMAYSTAHA QARSOON. BY ABWAAN SACAD X. M. GADHLE

0
642

Maansadan waxaa curiyay Suxufiga Hal’abuurka ah ee Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Murtida Maansadani xambaarsan tahay oo  Guubaabo ah waxuu Bulshada S/land Abwaanku ku Baraarujinayaa in uu Dagaal wayn ku soo qaaday Nin Abwaanku ugu yeedhay Gumaystaha Qarsoon mar labaad Abwaanku waxuu Midhaha Maansadani Xambaarsantahay ku iftiiminayaa in uu Dalka S/land gudihiisa ku sugan yahay Nin iyo kooxo u adeega waxan uu ugu yeedhay Abwaanku Gumaystaha Qarsoon  waxaanu ku Bilaabay Sidan

 

 

Gabaxow habeenadan

Moorada godkeediyo

Giganaha markaan dayay

Ama baadhay Googlaha

Guud ahaan aduunyada

Gabal dhiciyo waabari

Muslinkii gumaadiyo

Guluf iyo dagaaliyo

Gantaalaa ku dhacayoo

Qaraxyaa gilgilayoo

Gariirbaa ka baxayoo

Wanaagaa gabaabsiyay

Gadgadoonka waayuhu

Waa giraan wareegtee

Gogol xaadhka maansada

Hal xidhaale guunoo

Murti lagu gardaadshoo

Gobo”odiisa hoosiyo

Waxaan uga goleeyahay

Garashada dhalaankiyo

Ganbo dumar ku adagtoo

Garaadkoodu sixi karin

Gagadii abwaankiyo

Ninka golaha keenee

Garoonkana balaadhshee

Gaban waayaybaan ahay

Aniguna guyaal  Shana

Waxaan baadi goobaa

Gumaystaha qarsoonee

Ku gadaaman noleshee

Hadaad gaadhi raacdiyo

Hadaad badaha gooshtiyo

Gooladaad ka laabtiyo

Dalkastood u guurtaba

Dadka gabi ahaantood

Garabkooga jeegee

Qofna aanu garanayn

Guuxaan maqlaayiyo

Goolaaftankuu wado

Waxuu uga goleeyahay

In uu xadhiga goostuu

Xeerkiyo garsoorkiyo

Golayaasha qarankaba

Gabi dheer ka xuuroo

Goldaloolo kaa helo

 

Waxaan gabaxow arkaa

Ninkaa kala goynayee

Hadana isku gaynayee

Gujada xisbigii ku wada

Gudaha ruuxaa ku jira

Guriga boqorkuu galaa

Gudoonkuna wuu yaqaan

Geediga isagaa la mara

Go’aanka isagaa la kaba

Waxuu gudbiyaa dhambaal

Golohu kalidii  maqlaan

Guruub adagbuu dhistoo

Gidaar qariyaa jiroo

Waxuu isla gaabiyaa

Guntiisa in aan la helin

Gafkiisa  inaan la arag

Gadood shacbibuu wadaa

Galbeed isagaa ku maqan

Waxuu u gudaa habeen

Heshiis  maba galo iftiin

Bulshaa la gumaynayaa

Ragbaa u garaangaroo

Ragbaa galad siinayoo

Ragbaa u  godaynayoo

Ragbaa sheekada ka gura

Gadaha mudo badan ka wayn

 

Ninkay u galaalayaan

Waa masuul gurguurtoo

Marna geedo fuuloo

Guushooda neceboo

Danta guud u daranoo

Danta gaara jeceloo

Dadka kala guraayoo

Madax badan galaaftoo

Gooni gooni ula faqa

Ninkay galad siinayaan

Waa masuul gardaranoo

Gayigeena nabada ah

Gubistiisa  jeceloo

Bulsho lagu gabood falo

Gashi badan ku yeeshoo

Gasariiray waa hore

 

Ninkay u guclaynayaan

Waa masuul go’aansaday

Dalku in uu gumooboo

Gobol gobol u qaybshuu

Gacalkiyo sokeeyuhu

Ay kala go’aanoo

Giriyaad inaga dhigo

 

 

 

Mar labaadna gabaxow

Farta waxaan ku godayaa

Fanta gunudka hagayee

Gadaashiisa joogee

Gumaystuhu u soo diray

 

 

Garabyadan tartamayiyo

Gidi madax dhaqmeedkiyo

Garaadkiyo suldaankiyo

Guurtiyo wakiilkiyo

Odaygii gufaynlaa

Ma arkaan gafkiisoo

Badi wuu ka gaabsaday

Waana loo gargarayaa

 

Inkastuu gumaystuhu

Dhibtuu gaystay badan tahay

Gayaankiis ma waayoo

Gacantuu u haadshaa

Halkan  lagu galbinayee

Gaaf iyo aroosiyo

Giblo  looga tumayaa

Waa goob colaadeed

 

Dadkuu badi guneeyee

Hanti ugu gargaaraa

Maangaabka weeyoo

Gofanaha sidiisuu

Garashada ka nuugoo

Wanaaguu ka gudhiyoo

Gar ma qaate weeyaan

 

 

Inta gaaxda maansada

Guuluhu ku deeqow

Gumaystahan qarsooniyo

Bal gorfeeya xaajadan

 

MAANSADA GUMAYSTAHA QARSOON

 

ABWAAN SACAD X MAXMUUD GADHLE Tell  063’4669910