Maamulka Somaliland Oo Soo Bandhigtay Xadiga Lacag Ay Dawlada Itoobiya Ku Maal Gelin Doonto Dekeda Berbera

0
986

Maamulka Somaliland Oo Soo Bandhigtay Xadiga Lacag Ay Dawlada Itoobiya Ku Maal Gelin Doonto Dekeda Berbera

 

Hargeysa(Halsan):-Xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay xadiga lacag ay dawlada Itoobiya ku maal gelin doonto dekeda magaalada Berbera.

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka soo laabtay dalka imaaraadka ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiska sadex geesoodka ahi uu farayo dawlada itoobiya inay maal gelin ku samayso dekeda.

Wasiirka oo ka hadlaya heshiiska cusub ayaa waxa uu yidhi “Markii ay dawlada itoobiya saami ku yeelatay  heshiiska dekeda waxay bixinaysaa intii kaga soo hagaagtay maal gashiga dekeda oo ah lacag gaadhaysa  ilaa $80 milyan ah, Itoobiyana waa suuq aanu doonayno inay isticmaasho dekeda, somaliland ahaan dekedu sida ay hada
 

tahay way inagu filan tahay laakiin cida dekedaha badan u baahan ee aanu doonaynaa inay isticmaasho waa Itoobiya.”

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Imika ganacsiga naga dhaxeeya Itoobiya dhinac ayuu ka raran yahay oo inagu wax ayeynu ka soo iibsanaa ee waxba inagama iibsadaan markaa waxaynu ku badalaynaa khidamaad inaynu u samayno oo ay maal gashadaan dekeda.”

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo bandhigay saamaynta shaqaalaha ee heshiiska waxaanu yidhi “Heshiiska waxa ku jira in wixii ay qaban karaan muwaadiniinta somaliland ay qabtaan haday tahay xiliga dhismaha iyo shaqadaba.”