Maamulka Puntland Oo Ogolaaday In Ra’isal Wasaaraha Somalia Tago Degaannada Galmudug iyo Puntland

0
583

Muqdisho(Halsan):-Wafti uu hoggaaminayo RW Somalia ayaa maanta u ambabaxay magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Cadaado, waxaanu socdaalkiisu la xidhiidhaa xiisad colaadeed oo dhexmartay maamulada Galmudug iyo Puntland

 

Maamulka Puntland ayaa shalay Ra’isal wasaaraha Somalia u diiday inuu tago magaalada Gaalkacayo, balse dadaalo iyo wada hadalo la sameeyay ayaa ogolaadeen inuu maanta yimaado, iyadoo laga rajaynayo inuu dhinacyada isku soo dhaweeyo.

 

Xubnaha wafdiga RW Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano; waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.

 

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayay ka dhaxaysaa xiisad dhinaca dhulka ah, waxaana dhawaan dhexmaray dagaal dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhashay jid laami ah oo la dhisayay.