Loolanka Musharaxnimada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye Oo Meel Qadhaadh Maraya, Beesha Labada Biixi Oo Laba U Kala Jabay, Muuse Biixi Oo Maxamed Biixi U Abtirsaday Iyo Maxamed Biixi Oo Muuse U Faanay

0
606

Hargeysa (Halsan):- Tartan siyaasadeed aan weli hore noociisu usoo marin Somaliland ayaa ka dhex bilaabmay gudaha xisbul xaakimka tallada dalka haya ee KULMIYE, xafiiltanka iyo xagxagashaduna waxay gaadhay heerkii ugu saraysay, iyadoo maalmahii ugu danbeeyeyna la arkaayay taageerayaasha labada dhinac oo suuqyada caasimadda Hargeysa is dhex baacsanaya.

Labada nin ee isku haysta ciddii noqon lahayd musharaxa tallada dalka ugu sareeya ee xisbiga Kulmiye waa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee haatan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane  Maxamed Biixi Yoonis ayaa gaadhay heer aad u qalafsan oo xita labadoodu ay afka isla gaadheen, isla markaana madal ilyartu is hayso ay iskugu henjabaan.

Tartankani ayaa iskugu jira dhawr nooc, waxaana durtaba la arkaya boqolaal kun oo Dollar oo labada dhinac ay u isticmaalayaan ololahooda ay ku doonayaan inay ku hantaan beesha ay ka soo wada jeedaan ee waqooyiga iyo galbeedka caasimadda Hargeysa, waxaa kale oo labada nin ku doonayaan ololahani inay ku hantaan beesha kale ee iyadu kula jaalka ah tartanka siyaasadda ee beriga magaalada Burco ee uu ka soo jeedo madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Ololahani Ayaa Laba Dhinac Oo Reeraysan U Kala Jabiyay Beesha Ay Labada Biixi Ka Soo Wada Jeedaan

Ololahani oo gallay marxalad adag ka dib markii dhawaan lagu dhawaaqay xilliga la qabanayo shirweynaha xisbiga Kulmiye, ayaa gaadhay heer wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis uu ka hadho safar madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalalka Ethiopia iyo waqooyiga Ireland, waxaana la arkaayay Mr. Yoonis oo maalmahii ugu danbeeyey dhexda u xidhay inuu ololahiisa meel godan iskugu keeno, halka Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu isagu loo arkaayay nin is diyaariyay oo muddo dheer ku soo jiray shirqoolka uu doonayo inuu ku hanto talladani.

Haddaba qormadani HALBEEG waxaynu ku eegi doona labada garab ee xisbiga Kulmiye u kala jabsanyahay, yey labada dhinac kala hogaaminayaan, Madaxweyne Siilaanyase muxuu isagu ka faa’iidaya inuu labada ninba dhabarka ka wada taabto.

Kulankii Labada Biixi Ee Afka La Iskula Baxay

Waxaa dhawaan markii ugu horaysay si fool ka fool ah isku wajahay labada nin ee isku miciyo lisanaya waa labada nin ee magaca dhexe ka siman eh, goobtu waa magaalada Hargeysa, waxaana hadalka bilaabay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ku yidhi Maxamed Biixi Yoonis sidani “Waarya Ina Biixi Yoonis waxaan maqlay inaad sharaxantahaye horta halkeed ka sharaxantahay”.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku jawaabay “(Qosol) haddaanad is nasakhayn waad ogtahay halkaan ka sharaxanahay” dabadeed Muuse Biixi ayaa ku celiyay “Habrawadaag, Marna Inadeer ma ninkaagii shallay Darfur ka yimid ayaa igu haysta xisbigii, goormaad Kulmiye noqotay” dabadeedna Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku celiyay “Kulmiye caruurtaada goormu ka mid noqday, maxaad la baqanaysa, mise ciddaan ahay ayaanad garanaynin”.

Halka marka uu hadalku ka marayo ayuu Muuse Biixi ku jawaabay “Maxamed Biixi Yoonisow waan aqaana ciddaad tahay inaad tahay nin iska dhal ah oo Nuux Ismaaciil ah, oo Nuux Ismaaciil dhallay, oo nuux ismaaciil ay u dhaxday oo dun xariir ah, ee anigu sidaasan ku aqaanaye anigu ciddaan ahay ma taqaana” dabadeed Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku jawaabay “waa ayaan darro haddaad ciddaan ahay iyo ciddaad tahay talladii ku uruurisay” halka markuu marayo ayuu Muuse ku jawaabay “haddaba anigu aan isku kaa sheego waxaan ahay Nin Siciid Ismaaciil ah, oo Ciidagale dhallay, oo habeeddi ku taallo, ee yaanan ku nijaasayne iska kay ilaali”.

Haddaladda nooca u eg ee aan waxba la iskula hadhin ee soo kaftan dhaafay waxay marag u yahiin heerka iyo hirka uu tartanka labada nin dhex maraya inuu beeshii ay midnimadeeda doonayeen ay laba u kala jabiyeen, isla markaana wax kasta oo caqligooda iyo garashadooda ku wareegaya ay isku isticmaalayaan.

Haddaba Yaa Labada Nin Dabada Ka Riixaya

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi aynu ku horayno, Mujaahid Biixi wuxuu isku hallaynaya taageerada saaxiibada uu ku leeyahay dalka Jibouti, Mr. Biixi wuxuu yaraantiisii intii ugu badnayd ku noola dalka Jibouti oo xita uu haysto baasaboorka dalka Jibouti, waxaana loo tirinaya in wasiiradda dalka Jibouti iyo madaxweyne Geelle laftigiisu ay u arkayaan inuu noqon karo nin ay saaxiib dhaw la yeelan karaan.

Dawladda Jibouti waxay taageeradda Mujaahid Muuse Biixi Cabdi usoo marisa ganacsadaha labada dhinacba dhalasho iyo dhaqasho ka soo jeeda ee Maxamed Aw Siciid Geedi oo ololahiisa siyaasadeed gacan weyn ka gaysta isla markaana ah gacanta midig ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca Maxamed Biixi Yoonis wuxuu taageerada ugu badan ka hellaya xubnaha ku wareegsan madaxweyne Siilaanyo ha noqdaan wasiiradda ugu tunka weyn sida Xirsi Cali Xasan, wiilka sodoga u ah madaxweynaha ee Baashe Cawil oo isagu dhawaan loo magacaabay danjiraha u fadhiya dalka Emirateka, badiba wasiiradda xukuumadda.

Wuxuu sidoo kale taageero ka hellaya dhawr wasiir oo xukuumadda Siilaanyo hore uga tirsanaan jiray oo ay ka mid yahiin wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee uu bedelay Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirkii hore ee wershadaha Abiib Diiriye Nuur.

Wuxuu sidoo kale ka hellaya caruurta uu madaxweyne Siilaanyo dhallay gaar ahaana wiilasha oo laba ka mid ah la sheego inay ka hawlgallaan barnaamijkii uu ku xigeenka ka ahaan jiray Maxamed Biixi Yoonis ee UNAMID ee gobolka Darfur.