Loolanka Kursiga Guddoomiye Cirro Oo Sii Xooggaystay+ Damaca Guddoomiye Xigeen Baashe, Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

0
712

Hargeysa(Halsan):-  Loolanka  loogu jiro Kursiga guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ayaa isa soo taraya, iyadoon wali guddoomiye Cirro laga hayn inuu kursigaasi bannaynayo. Arrintan ayaa dibada u soo baxday markii mudaneyaasha wakiillada qaarkood saxaafadda ka sheegeen inay u sharaxan yihiin guddoomiyaha wakiillada.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa jagada guddoomiyaha marka uu guddoomiye Cirro goosto inuu kursigaasi banneeyo, hase ahaatee waxaa hore kursigaasi ugu loolamayay Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre iyo guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa  ugu horayn sheegay in loolanka Kursiga guddoomiye Cirro loogu jiraa mucjiso ku noqday xisbiga Waddani “Guddoomiyaha golaha wakiilladu waa xay oo kursigiisii ayuu fadhiyaa, walina kumuu dhawaaqin inuu xilkaasi iska wareejiyo. Way iman doontaa maalin guddoomiyuhu xilkaasi wareejiyo oo musharaxnimadiisa u madax-bannaanaado laakiin, waxaanu hadda la yaabannahay meel Cirro joogo oo salla-calee aanu sheegin inuu ka tagayo kursi ninkii lahaa fadhiyo oo lagu loolamaa waa wax la yaab leh. Markaa qoladayadan reer WADDANI arrintani mucjiso ayay nagu yara noqotay,” ayuu yidhi Xildhibaanku, isagoo intaa kadib musharaxnimadiisa caddeeyay “Aniga hankaygu wuu gaadhsiisan yahay inaan guddoomiyaha wakiillada noqdo. Sababtu waxa weeye ragga ugu khibradda dheer golahan ayaan ahay laakiinse, waxaan jeclahay inaan waxba sheegin wakhtigan, anigu odhan maayo imika ayaan tartamayaaye marka Guddoomiye Cirro ka baxo meesha anigu kow baan ka ahay cidda u taagan guddoomiyaha Wakiillada,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Marka laga yimaado mawqifkaasi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,  tan iyo markii labada guddoomiye xigeen ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Aw Yuusuf Axmed ka mid noqdeen isbahaysiga Kulmiye ee saluugsan musharaxiinta xisbiga Kulmiye u cumaamaday tartanka doorashada 2017 Musharax Muuse Biixi iyo musharax xigeen Cabdiraxmaan Saylici waxaa isa soo tarayay in guddoomiye Cirro iyo guud ahaan xisbiga WADDANI danaynayo in cududa siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye ku soo biiraan WADDANI, balse shuruudda koowaad ee isbahaysigu tahay in guddoomiye Cirro ka kaco Kursiga Wakiillada, si Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Aw Yuusuf Axmed u noqdaan guddoomiyaha iyo kuxigeenka koowaad. Dalabkaasi oo la sheegay in guddoomiye Cirro aqbalay.

Hase ahaatee, xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ka soo horjeeda in shirguddoonka golaha wakiilladu gacanta u galo cid ku mucaarad ahi ay soo taageertay Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre oo ay gobolada bari ka soo wada jeedaan Baashe Maxamed Faarax, sidaasna uu ku noqday musharax saxaafadda iska shaaciyay, islamarkaana dardar leh, waxaana maalmihii u dambeeyay la dareemayay taageero looga muujinayo gobollada Sool iyo Sanaag.

Saadaasha Cidda Ku Guulaysan Karta Guddoomiyaha golaha wakiillada:

Ugu horayn qorshaha guddoomiyaha wakiillada, ahna Guddoomiyaha WADDANI ayaa la sheegay inuu qorsheeyay in guddoomiyaha wakiilladu dabadii noqdo Baashe Maxamed Faarax, kuxigeenka koowaadna Dr Cali Yuusuf Axmed, halka guddoomiye xigeenka labaadna lagu wado Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, qorshihiisan oo dadka siyaasadda odorosaa ku macnaynayaan inuu ka wato laba arrimood, kuwaas oo kala ah; in siyaasiyiinta jagooyinkaasi hanta deggaannadooda uu cod kaga helo iyo arrinka labaad oo ah inuu golaha wakiillada ku wareejiyo siyaasiyiin ku mucaarad ah xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye.

Qorshahan Siyaasadeed ee Guddoomiye Cirro, ayaa haddii lagu tartamo oo cod la galiyo ay isku hallayntiisu tahay inuu cod aqlabiyad ah ku fadhiisin doono shirguddoonka wakiillada cidda uu la rabo, maadaama  uu isku hallaynayo mudaneyaasha Mucaaradka ah ee labada xisbi iyo mudaneyaasha Kulmiye ahaa ee hadda ka tirsan isbahaysiga Kulmiye, kuwaasi oo ay hoggaaminayaan guddoomiye xigeen Baashe, Dr Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah guddoomiye xigeenkii saddexaad ee Kulmiye, xildhibaan Waabeeye oo ah guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye, Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere oo u sharaxnaa guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye, Xildhibaan Kijaandhe oo u sharaxnaa musharaxa Kulmiye iyo xildhibaanno kale oo bahda isbahaysiga Kulmiye ah. Mudaneyaasha labada xisbi mucaarad iyo isbahaysiga Kulmiye ayaa laga filayaa inay noqdaan aqlabiyadda wakiillada ee wakhtigan maadaama tan iyo markii Xukumadda Kulmiye hoggaanka qabatay ay aqbaliyaddu ahayd Kulmiye.

Hase ahaatee, waxaa qorshahaasi lumin kara ama beenayn kara faro gelin xukumaddu ku samayso loolanka kursiga guddoomiye Cirro loo galo, haddiiba ay is wajahaan Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre iyo Baashe Maxamed Faarax, waxaana faro gelintaas walaac ka sii muujiyay shalay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo musharaxnimadiisa raaciyay warwarka uu ka qabo farogalinta xukumadda iyo xisbigeeda “Waan ka war hayaa in musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici laftiisu isku magacaabeen( Kulmiye  u qorsheeyeen) guddoomiyaha iyo labada guddoomiye xigeenba laakiin, waa hadday u hirgasho, manay ahayn inay ku soo duulaan golaha oo sidaa qaawan ugu soo duulaan oo Muuse Biixi iyo Ninka Saylici la yidhaa iyagu xisaabsadaan oo rag magacowdaan may ahayn, waayo golahani wuu ka madax-bannaan yahay xukumadda. Waxaanu Daahir Rayaale ku eedayn jiray golaha ayuu faro gelin ku hayaa, waxaase ka wayn tii Daahir Rayaale faro gelinta Kulmiye ku hayo, waxaanu leenahay faraha kala baxa weydun eediye,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Maadaama ay muuqato faro gelinta Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye waxaan la isku hallayn karrin cidda heli doonta aqlabiyadda codka mudaneyaasha wakiillada. Golaha wakiillada ayaa inta mucaaradka ahi ahayd sodomeeyo, halka Kulmiye oo mudaneyaashiisu ahaayeen kontomeeyo laba u kala jabay, islamarkaana qaybi tahay Isbahaysiga, halka qaybt kale tahay xisbiga Kulmiye.

Marar badan oo loolan adag oo xukumaddu lug ku leedahay ka dhacay golaha ayaa guushu raacday xukumadda, kadib markii sida la rumaysan yahay mudaneyaasha loo fuliyay danno gaar ah,iyana ay xukumadda u fuliyeen arrimaha ay marsanaysay golaha wakiillada, taasi oo ay haddana suuro gal tahay in Xukumaddu danno gaar ah u fuliso mudaneyaasha amma ballamo u qaado.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cirro oo la filayo inuu dalka ku soo laabto kadib muddo uu Ethiopia ku maqnaa, waxaa la filayaa in loolanku sii xoogaysto, marka uu loolanku rasmi u bilaamana ay soo shaac baxaan taageerada xukumadda iyo mudaneyaasha ay la rabto guddoonka wakiillada, taas oo la eegi doono in guddoomiye Cirro ku dhiirado bannaynta Kursiga iyo inuu ka cilmiyooda qorshihiisa ah inuu banneeyo Kursiga iskuna lugo duwdo xisbigiisa oo isaga laftiisa musharaxiin kale kula loolamayaan jagada musharaxa madaxweyne.

Source: Faallo, Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here