Lix nin oo katirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay in ay is qarxiyeen kadib markii la Fashilmay Weerar ay qaadi rabeen

0
639

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Koonfur Galbeed ay maanta fashiliyeen weerar ay diyaarinayeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed ayaa saakay weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Raydable oo kuyaala wadada xariirisa Baydhabo iyo Buur Habaka, deegaankan ayaana la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Gabeed, ayaa isku gadaamay xaafada lagu tuhmayay in ay joogaan xubno katirsan Al-Shabaab oo hubeesnaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen Waxyaabaha qarxa, ragan Shabaab katirsanaa ayaana ka biyo diiday in ay isku dhiibaan ciidanka.

Dagala u dhaxeeyay raga katirsan AL-Shabaab iyo Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay Deegaanka Raydable, waxaana lagu soo waramaaa in lix kamid ah dagaayahandii Al-Shabaab in ay is qarxiyeen kadib markii ay ka dhamaatay rasaastii ay ku dagaalamayeen.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Afloow, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida fashiliyeen kana hortageen weerar rag katirsan Al-Shabaab qorsheenayeen in ay ka fuliyaan goobaha uu maamulkooda ka taliyo.

Afloow ayaa xusay in lix kamid ahaa ragii Al-Shabaab in ay is qarxiyeen markii ay ka dhamaatay hubkii ay ku dagaalamayeen, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada Nabad Sugida gacanta ku dhigeen Sadax nin oo kamid ahaa ragii Al-Shabaab ee la dagaalamay weerarkana qorsheenayay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkan maanta ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, mana jirto cid ka madax Banaan maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay howlgalka ay fuliyeen Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed.