Liiska Golaha Dhexe KULMIYE ee Kalsoonidda Siiyey Murrashaxnimada Muuse Biixi ee Madaxweyne Siilaanyo la Kulmay Dhawaan

0
714

Gudaha Ka Akhri Magacyada iyo Tirada Xubnihii Saxeexay warqadda loo gudbiyey Madaxweyaha

Hargeysa (Halsan):- Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ugu jira beesha Subeer Awal ee si buuxda u taageeray murrashaxnimada Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi ee kulanka ay ku caddeeyeen go’aankooda hordhigay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo habeenimadii Jimcuhu soo galayey, ayaa la helay liiskooda.

Xubnahan Golaha dhexe oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, masuuliyiin soo qabtay xilal sar sare, madax ka tirsan laamaha xisbiga, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo xisbiga u matala degaannada Gabiley, Hargeysa iyo Saaxil, kuwaas oo tiradoodu ka kooban tahay 73 xubnood, ayaa isku raacay inay si buuxda u taageersan yihiin murrashaxnimada Muuse Biixi ee jagada madaxweynenimo ee xisbiga gudihiisa in loo xulo, halka tiro dhawr iyo toban xubnood oo keliya ka maqan tahay, ayaa muujinaysa in Guddoomiye Muuse Biixi uu haysto taageerada ugu ballaadhan xubnaha golaha dhexe ee beesha Subeer Awal.

Xubnahan oo warqad ay ku taxan yihiin magacyadooda iyo saxeexooda la hordhigay Madaxweyne Siilaanyo, qof qofna loogu xaadiriyey, waxa liiskoodu u qornaa sidan;

    Wasiir Dr. Sacad Cali Shire (Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka)

    Wasiir Shucayb Maxamed Muuse (Wasiirka Wasaaradda Warshadaha )

    Wasiir Dr. Maxamed aw. Daahir (Wasiirka Beeraha)

    Wasiir Dr. Muuse Qaasim (Wasiirka Ganacsiga).

    W/Xigeen Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole) (Wasiir ku Xigeenka Warshadaha)

    W/Xigeen Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) (Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha)

    W/Xigeen Axmed Faarax Cadarre (Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha)

    Maxamed C/laahi Cabsiiye (Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Golayaasha)

    Xildh. Axmed Xasan Aadan (Wayso-cade)

    Xildh. Maxamed Baaruud Shide

    Xildh. Maxamed Xuseen X. Ciise.

    Xildh. Ibraahin Axmed Haybe

    Xildh. Aadan X. Diiriye Dirir (Sanqoole)

    Xildh. Ilyaas Muuse Jaamac (Golaha deegaanka ee Hargeysa)

    Dr. Maxamed C.laahi Cumar (Wasiirkii Hore ee Arimaha dibadda)

    Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor)

    Mujaahid C/kariin Xaashi Cilmi

    Mujaahid Faysal Cali Sheekh Maxamed

    Maxamed Faarax Xirsi

    Prof. Cabdi Cali Jaamac

    Siciid Xasan C/laahi

    Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil (Gudoomiyihii hore ee Haayadda shaqaalaha)

    Dr. Axmed Xaashi Oday

    Aamina Maxamuud Diiriye

    Maxamed Cabdi Iskeerse

    Eng. Xuseen Cabdi Cali

    Buraalle Cali Xuseen

    Dr. Maxamed Daahir Khayre

    Axmed Xaashi Cabdi

    Eng: Xuseen Sheekh Aadan

    Sheekh Saleebaan Siciid Cali

    Eng. C/qaadir X. Ismaaciil Maxamed

    Rooda Yuusuf Nuur

    Axmed/Qani Cabdi Samatar

    Khadar Baaruud Cumar

    Cali Maxamed Muuse

    C/raxmaan Cawil Xasan

    Maxamed Cismaan Axmed (Indho balac)

    Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine)

    Maxamed C/laahi Xandulle (Kayd)

    Milgo Daa’uud Cigaal.

    Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad).

    Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case).

    Khadar Maxamed Caalin

    Khadar Cabdi Xuseen( Gud. Kulmiye ee Gobalka Hargeysa).

    Amiin Muuse (Gud. Kulmiye ee Gobalka Gabiley).

    Yuusuf Axmed Maxamed (Halac) (Gud. Kulmiye ee Gobalka Saaxil).

    Can. ab Cumar Ileeye (Gudoomiyaha garabka haweenka ee KULMIYE)

    Aniisa Nuur Cigaal (Gudoomiyihii hore ee ururka haweenka ee NOW)

    Aamina Yuusuf Aar (Aamina Timo-dheer)

    Nimco Aadan C/laahi

    Hodan Axmed C.laahi

    Samsam Ibraahin Galbeedi

    Faadumo Yuusuf Qodax

    Xasan Mawliid

    Xuseeen Maxamed Rodol

    Cali C/qaadir Sh. Yoonis

    Axmed Yaasiin

    Cali Xasan Jaamac (Cali Gobanimo)

    Abiib Xasan Filfil (Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga).

Xubnaha Golaha wakiillada ee ku fadhiyey labada boos ama xubnaha ka baxay Xisbiga ee badalkooda loo gudbiyey Xisbiga si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta Xisbigga Kulmiye ee lagu ansixin doono shirka golaha dhexe xubinimadooda, waxa ay yihiin xubnaha hoos ku qoran:

Mustafe Ibraahin Cismaan (xubintii uu baneeyey Cali Maxamed Kooshin)

    Cismaan Xasan Mire (Kursigii labaad ee Xildh. Ibraahin Axmed Haybe)

    Maxamed Ismaaciil Warsame (Kursigii labaad ee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan)

    Cabdiraxmaan Cali Giire (Kursigii labaad ee Xildh. Maxamed Xuseen X. Ciise)

    Dr. Axmed Ibraahin Badde (Dr. Obolos) (Kursigii labaad ee Xildh. C.laahi Xuseen Cige).

Sida ka muuqata shaxda kor ku xusan, dhammaan Wasiirada Beesha Subeer Awal kaga jira Golaha Wasiirada oo dhan 9 wasiir iyo wasiiro ku xiigeen, 7 ka mid ahi waxay si cad hadda u taageersan yihiin murrashaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, hallka Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis uu isagu yahay murrashax. Waxa jira sideed xubnood oo golaha dhexe ah oo ku maqnaa safaro dibadeed ama shaqo qaran oo ka baxsan magaalada Hargeysa waqtiga  kulanka Madaxweynuhu qabsoomay, balse taageeradooda murrashaxnimada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku soo muujiyey siyaalo kala duwan sida Email iyo Telephone, taas oo ka dhigaysa tirada guud 73 xubnood.