Gudida Qabanqaabada Xaflada Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland ayaa soo saaray liiska dadka lagu soo marti qaaday In ay ka qayb galaan Xafladaasi.
Liiskan oo ay shabakada wararka ee sagalnews nuqul ka mid ah heshay ayaa waxa ugu horeyn shaxda dadka lagu soo casuumay Ka Qayb galka xafladda ugu horeeya xisbiyada iyada oo xisbiga Kulmiye laga soo casuumay 80, Xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID Iyo Waddanina laga soo marti qaaday midkiiba 20 qof.
Safaaraddaha Dalalka Djabouti, Ethiopia, Denmark, Turkiga iyo England ayaa iyaguna wadarta isu geyntooda laga soo casuumay 10 xubnood.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Iyo Madaxweyne ku xigeenadii Soomaray Somaliland oo kala ah Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax , Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa iyaguna ku jira liiska dadka lagu soo marti qaaday in ay ka soo qayb galaan Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilka kala wareegi doona Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dawladdaha la jaarka ah ee Somaliland ee Ethiopia, Djabouti, Kenya, Urur Goboleedka IGAD, AU ayaa iyagana wadarta isu geyntooda laga soo casuumay 21 qof.
Sidoo kale Khaatumo ayaa iyagana laga soo marti qaadi doonaa 5 xubnood, halka ururada aan dawliga ahayn iyo hay’addaha caalamiga ah ee dalka ku sugana lagu soo casuumay ka qayb galka xafladda caleemo saarka madaxweynaha