Lamaane isqaba oo ku nool dalka Maraykanka ayaa la soo taagay maxkamad, waxayna qirteen inay xadeen ama si qiyaamo ah ku qaateen allaab qiimaheedu dhanyahay $1.2 milyan.
Joseph Finan iyo Leah Finan ayaa alaabaha ka xaday suuqa weyn ee qadka internetka wax looga iibsado ee Amazon.
Waxay samaysteen boqolaal ciwaan oo been abuur ah, kadibna waxay Amazon ka dalbadeen aalado casri ah iyagoo kolba iska dhigaya qof cusub, kadibna inta wacaan qeybta daryeelka macaamiisha ee Amazon ayay u sheegi jireen in alaabtii ay ku soo burburtay boostadii loo soo dhigay, kadibna waxaa Amazon ay markale u direysay alaab kale oo lacag la’aan ah oo tii ay iibsadeen la mid ah.
Waxyaabaha ay xadeen waxaa ka mid ah kaamirooyin, saacado casri ah iyo qalab kale oo madadaalada loogu talogalay, waxayna kasii iibin jireen shirkad ku taala New York oo aanan magaceeda la shaacin.
Xukunka maxkamadda ayaa lagu ridi doonaa 9-ka November, waxaana ay wajihi doonaan xukun adag oo uu ka mid yahay $500,000 oo ganaax ah iyo 20 sano oo xarig ah.
Amazon ayaa ah suuqa ugu weyn adduunka ee alaabaha iyo badeecooyinka kala duwan looga qado qadka internet-ka, iyada oo alaabta laguugugu keenayo gurigaaga.
Xatooyadan ayaa laga war heley kadib markii ay baaritaan sameeyeen wakaaladda boostada, booliiska gobolka Indiana iyo laanta canshuuraha.