Labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo gacanta u galay ciidanka Dowlada

0
700

 

Labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo gacanta u galay ciidanka Dowlada

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen labo sargaal oo katirsan Kooxda Al Shabaab .

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Qoryooley Labo xidigle Cali Maxamed Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada dowlada howlgal ay ka sameeyeen deegaano ku dhaw dhaw Qoryooley kusoo qabteen afar nin oo katirsan Al Shabaab oo labo kamid ah yihiin saraakiil.

Waxa uu sheegay Taliyaha in mid kamid ah saraakiisha Al Shabaab ee qabteen uu ahaa madaxa abaabulka kooxdaasi u qaabilsanaa Degmada Qoryooley , waxa uuna tilmaamay in hada ragaasi gacanta ku hayaan ayna ku wadaan baaritaano.

Labo xidigle Cali Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen hub iyo saanad kale oo u aasnaa dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama deegaanao hoos taga Degmada Qoryooley.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay sarakaiisha ciidanka dowlada ee ku aadan in ay qabteen saraakiil katirsan kooxdaasi, mana jiraan ilo ka madax banaan saraakiisha dowlada oo xaqiijinaya saraakiishan la qabtay.