Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo ay weheliyaan Ururka Kaah ayaa Hargeysa kulan ku yeeshay

0
104

Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo ay weheliyaan Ururka Kaah ayaa Hargeysa kulan ku yeeshay

Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani, Ucid Iyo Urur syiyaasadeedka Kaah Ayaa galabta Kulan Ku Yeeshay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Kulan kaasi oo ay sedexda dhinac kala hogaaminayeen Asxaabta musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi, Faysal cali waraabe UCID iyo xubno kale oo xisbiyada ka kala tirsan.

 

Kulankan Ayaa Ahaa  is xogwaraysi ah oo dhexmaray Xisbiyadda UCID, Waddani iyo Kaah ayaa  lagaga Wada hadlayay arimaha Doorashooyinka, qorshashaha uyaala mucaaridka hadii madaxwayne biixi sexeexi waayo xeerka doorashooyinka isku sidkan ee isaga horyaala. Kaasi oo kusoo dhamaaday  is-faham, iyadoo loo balamay in layskugu yimaado kulamo danbe.