Labada Musharax ee Kulmiye : Maxamed Samaale Kijaandhe iyo Muse Bixi Cabdi !

0
684

Labada Musharax ee Kulmiye :  Maxamed Samaale Kijaandhe iyo Muse Bixi Cabdi !

 

Majecli inaan wax badan idiin sheego oo waad arkaysaan miisaanka  Hal musharax iyo seddex nin oo is bahaystay oo isku qof kaliya ah oo hadda jiif iyo joog diiday kana warwarsan ninkaa kalida ah. Taa uun ku qiimeeya .  maanta waynu ku kalsoonahay Mudane Muse Bixi oo hal musharax weeyi waxaana uu noqon doonaa hal hogaamiye ama madaxweyne mustaqbalka dhaw balse seddexda nin ee isbahaystay hadhaw ma seddex madaxweyne ayuu dalku yeelan doonaa ileen mid iyo laba toona haddi ay isku tagaan dal ma maamuli karaane sidaa ay manta isugu kalsonaan waayeen ayaa ka dhab ah.

Waxaan kale oo meesha yaal , ragani quus ayay ahaayeene maxaa dib usoo kiciyey imaatinka madaxweynaha kadib?  Waxay warar badani tilmaamayaan in Wasiirka madaxtooyadu labada dhagood uu haysto madaxweynaha oo uu bilaayo iyo cunfi uu ku akhrinaayo . isaga oo colaad iyo xumaan u qabo Gudoomiyaha xisbiga .  isaga oo dhawr jeer oo hore isku dayey inuu isku dhereriyo Gudomiye muse waana wax nasiib daro ah arintaasi.

Siro badan oo qarson oo wasiirka madaxtooyada iyo rag aan ogahay ku hawlan yihiin oo ku aadan Gudoomiyaha xisbiga ayaan soo bandhigi doonaa iyada oo qoraalo ah.

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeysa/somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here