Labada Haween iyo Haybadii Qaranka?

0
813

Waxaa baryahan dambe dalka ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ku aadan dhaxal- wareejinta hantidii qaranka taas oo sababtay in Shir gudoonkii baarlamaanku ay gacmaha isula tagaan, sidoo kalena wakhtigan la jooga ay jeelka ugu jiraan qaar kamid ah madaxdhaqameedyadii xurmada lahaa ee dalku . waana xaalada HAAMAHA BERBERA . laba arimood oo koo-kooban ayuun baan ka hadlayaa ; ta kowaad waa mida illaa hadda aan la isweydiin oo ah magacyada iyo tirada ay labada haween ( Khadiija iyo Muraayo) ay ku wareejiyeen Haamaha shidaalka berbera . bal marka hore arintan aynu baadhno iyada oo dhamaystiran kuwa la inoo sheegay maahee kuwa qarsoon. Ta labaad manta Haybadii iyo sharaftii qaranku  Jarbay ka laad-laadaa hadii aan degdeg loogu gurman marbaa meel dheer laga baadi dooni. Labadaa habrood ee dalka khal-khaliyey haddii aan degdeg looga qaban oo ayna gudahooga is qaban oo ayna dib isugu noqon oo ayna iyaguna xishoon Anagaa wax ka qaban , anaga oo shacabkii ah ayaa wax ka qaban oo iyaga iyo Duqa dhex jiifaba dibeda ayaanu soo dhigi , “  Wallaal Xaaji waxaad ii soo iibisaa oo aan kuu dirsanayaa Gaadhiga madaxweynaha oo kale!”  mid ka mid ah labadaa haween ee aan tilmaamay ayaa sidaas laga hayaa. Waa kuwa sidaas u fikiraaya Habraha aynu dalka ku daawanaynaa.

Gabagabadii, waxaan shacabka Somaliland ee dalkooda iyo qarankoodaba jecel ugu baaqayaa diyaar garow ah BADBAADIN QARAN. Iyo in Mudaharaad balaadhan dalka oo dhan laga dhigo ……….  Waxaa laga hayaa masuuliyiintii kulmiye wakhtigii rayaale DHENGAD ayaanu kaga soo saaraynaa,….. Maanta waxa ka xun ayaanu kaga soo saari  HABRAHA dalka khalkhaliyey.

 

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Ihsan_acf@hotmail.com