La-taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Doorashooyinka Iyo Xubno Kale Oo Maanta Hargaysa Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Dalka UK

0
627

Hargaysa:(Halsan):- Gudoomiyaha Dalka UK ee Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa.Xubno ka tirsan Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE,ayaa waxay si diiran ugu soo dhaweeyeen Dalka.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalka UK,ayaa sheegay in ujeedka uu dalka u yimid at tahay sidii uu uga qeyb-gali lahaa Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,kaas oo mudaysan 10 Bishan oo ku began Maalinta Salasadda ah ee todobaadkan.
Ugu horaynba waxa halkaas hadalo soo dhawayn ah ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Goboladda Iyo Degmooyinka Saalax Shiine,waxaanu si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay Masuulkan Dalkiisa hooyo.
La-taliyaha Madaxweyne SIILAANYO ee arrimaha Doorashooyinka Maxamed-qabbo,ayaa isna hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in Md. Xariir uu yahay Gudoomiyayaasha ugu cad-cad ee Dalalka dibadda,waxaana uu intaas raaciyay inuu ka mid yahay Xubnihii Gollaha dhexe ee Dibadda ka joogtay,maanta-na uu si weyn ugu faraxsan yahay inuu Dalka Yimaado,isla markaasna uu ka mid noqdo Xubnaha Gollaha dhexe ee ka qeyb-galaya Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,kaas oo lagu soo dooranayo Musharaxiinta Madaxweyne Iyo Ku-xigeen ee Xisbiga u matali doona Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan Bilawga sannadka 2017-ka.
Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalka UK,Waxaana uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu Dalkiisa Hooyo yimaaddo,waxaana intaas raaciyay inay Taageerayaashii KULMIYE ee dibaddu soo fareen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsan tahay in aan dib loo dhigin Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga iyo in la dajiyo Xararadda Muranka Siyaasaddeed ee Xisbiga ka dhex-aloosan.