Waxa doorashada loo qabanayaa si aannu Kulmiye u soo noqon dadkuna midhkaa way isku raacsanyiin. Nimanka Kulmiye ka sharaxani waxay wataan siyaasadii Silaanyo ee lagu hungoobay sidaa darteed dadku waa is bedel doon ee waxba yaannu Kulmiye is baacsan. Maxaa Silaanyo loo bedelayaa hadii Muse Biixi ama Mohamed Biixi ama Samaale la dooranayo. Maxaa se is bedelaya haday yimaadaan mid waliba wuxuu sheegay in uu dalka ku hagayo siyaasadii Kulmiye ee fashilantay e. Hadii Kulmiye soo noqdo waa isla dadkii markii hore laga cabanayay wax qabasho la’an tooda sidaa darteed Kulmiye cid cod siinaysaa ma jirto oo taariikh baa dalka u taalo. Caqliga ma gasho raggii dalka kharibay oo Mohamed Biixi ka mid yahay baan dib loo dooranayaa. Wasiirka arimaha dibada Xunba weyne wuxuu ka soo bixi waayay xilka wasaarad keliya ee sidee loogu aamini karaa Somaliland. Muse Biixi na marka la dooranayo dalka miyaa la sii kharibayaa oo qabyaalad iyo dagaal baa la gelinayaa. Samaale na isaga caalamka ayaaba ka cadhoonaya Somaliland oo cilaaqaadka u wada jaraya hadii la doorto oo waa nin al-shabaab ku xidhan. Faizal Cali Waraabe na wuu cadeeyey in aan xisbigiisa Jamaal musharax u ahayn oo mar labaad ayuu suuqa soo dhigayaa oo uu xaraashayaa. Isku so wada duub oo xisbiga aan xisbi kale loo hayni waa Waddani oo buuuq iyo sawaxan tooni aannu ka taagnayan oo weliba marka A/rahman Ciro kursiga fuulo caalamku uula dhaqmi doonaan sidii dal la ictiraaf sanayay dabeedna Somaliland nuur baa ka bixi oo dhoqsaa loo ictiraafi. Ma jiro xisbi aan Waddani ahayn oo dalka maanta lagu aamini karaa. Waxaynnu nahay Waddani ee ku quuso Kulmiyow.