Boorama(Halsan):-Kusimaha gudoomiyaha Xisbiga WADANI ahna gudoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Mudane Axmed Mu’min Seed, isagoo ku hadlaya Magaca Hogaanka Xisbiga, Kan fulinta ,Ka golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbiga wadani guud ahaan meel kasta oo joogaan , waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM XASAN AADAM AARE Oo Ku Magac Dheeraa (Dhako) , Kana mid ahaa ragii taagay Qaranimada Iyo Nabada Ay Somaliland Maanta Ku Noolaanayso kaas Oo Xalay ku geeriyooday Dhakhtarka Alxayaat ee Magaalada Boorama, waxa uuna Gudoomiyuhu Marxuumka uga baryay inuu naxariistii Janno Ka waraabiyo eheladii,Qaraabadii Iyo Shacabeynihii Reer Somaliland ee uu ka baxayna Mar labaad Samir iyo iimaan ka siiyo.
INAALLIIAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.