Kooxda Atletico Madrid oo u soo baxday ciyaarta finalka Champions League & Bayern oo la reebay + Sawirro

0
648

Kooxda kubada cagta ee reer Spain Atletico Madrid ayaa u soo baxday Fiinaalka koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo xili ciyaareedkaan lagu qaban doono magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga .

Kulan aad u adag oo loogu soo baxayay fiinaalka koobka UEFA Champions League ayaa kooxaha Fc Bayern München Vs Altetico Madrid waxa uu ku dhex maray garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich . Ciyaartaan oo eheed mid jilaafo iyo dar dar ku socotay ayaa waxaa 2-1 ku badisay kooxda Fc Bayern München balse waxaa Fiinaalka UEFA Champions League u soo baxday kooxda Altetico Madrid oo lugtii hore 1-0 ku soo badisay .

Waa sanadkii 3-aad oo xiriir ah oo kooxda Fc Bayern München lagu reebayo Semifiinaalka koobka Champions League waxaana sanadihii 2014 , 2015 iyo iminka oo 2016-ka ah dhamaan reebay kooxaha reer Spain ee Real Madrid , Fc Barcelona iyo Altetico Madrid .

Goolasha kooxda Fc Bayern München waxaa u kala saxiixay laacibiinta kala ah Xabi Alonso ciyaarta qeeybteedii hore (daqiiqadii 31-aad) iyo weeraryahan Robert Lewandowski (daqiiqadii 74-aad) . Goolka agoonka ah ee kooxda Altetico Madrid waxaa u dhaliyay weeraryahanka Qaranka Faransiiska Antoine Griezmann (daqiiqadii 54-aad) .

Labada kooxood ee Fc Bayern München iyo Altetico Madrid waxaa labo Rigooreyaal ka kala qasaariyay laacibiinta kala ah Thomas Müller (daqiiqadii 35-aad) iyo Fernando Torres dhamaadkii ciyaarta (daqiiqadii 84-aad) .

XIDDIGAHA LABADA KOOXOOD AYAA QAABKAAN ISKU FARA SAARAY :

Fc Bayern München : Goohaye Neuer – Lahm, Javi Martinez, Boateng, Alaba – Xabi Alonso – Douglas Costa (73./Coman), Müller, Vidal, Ribery – Lewandowski .

Atletico Madrid : Goolhaye Oblak – Juanfran, Gimenez, Godin, Filipe Luis – Koke (94./Savic), Gabi, Augusto Fernandez (46./Carrasco), Saul – Griezmann (82./Partey), Torres .

madri_2 madri_3 madri_4 madri_5 madri_1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here