Koox olole u waday Xisbiga Madaxweyne Uhuru oo la afduubtay iyo Al Shabaab oo lagu tuhmayo

0
662

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in shalay galinkii dambe halkaasi lagu afduubtay gaari iyo koox dad ah oo u ololeenayay Xisbiga Madaxweynaha dalka Kenya hogaamiyo ee Jubilee.

Gaariga la afduubtay iyo dadka la socday oon tiradooda la dshaacin ayaa u ololeenayay xisnbiga Madaxweyne Uhurru Kenyatta, waxaana gaarigan laga afduubtay Waqooyiga magaalada Mandheera xili olole uu waday kuna xirnaayeen cod baahiyaal.

Taliyaha ciidamada Booliiska waqooyiga Mandhera Charles Chacha, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la afduubtay gaari ay la socdeen dad olole u waday Xisbiga Jubilee, waxa uuna sheegay in afduubkaasi ku tuhmayaan in Al Shabaab ka dambeeyaan.

Waxa uu sheegay taliyaha in warkooda aysan heyn dadkii gaariga la socday uusan tiradooda sheegin, waxa uuna tilmaamay in ciidamada booliiska iyo kuwa Milatariga ay si wadajir ah u baadi goobayaan gaarigaasi la afduubtay iyo dadkii la socday.

Al Shabaab ayaa dhawaan dadka degan Waqooyi bari dalka Kenya uga digtay in ay ka qeyb qaataan doorashada iyo ololaheeda, waxa ayna Al Shabaab ugu hanjabeen cidii amarkooda dhagaha ka fureesata in tilaabo ka qaadi doonaan.