Koox ay soo Abaabuleen Wasiirada Maaliyada iyo Walaalkeed Xaaji ayaa dhaawac ii Geystay!

0
649

Dagaal sal ku lahaa Qoraaal warbaahinta kusoo baxay sedexdii maalmood ee u dambeeyey oo ciwaankiisu ahaa “Milicsiga Muraayo Garaad iyo Muqaalkeedii Shirkii Kulmiye!” oo tilmaamayey dhacdo dhab ah oo ka dhacday shirkaa kulmiye ee 10 Nov 2015 ee ku qabsoomay hotel Maansoor. Ayaa keenay in Dagaalkan la igu eekeysiiyo, waxayna arintani u dhacday sidan; Maanta oo ay bishu ahayd 22 Nov 2015 abaaro 12:45 duhurnimo aniga oo ku sugan Hotel ka IMPERIAL ayaa koox cadhaysan illa boobeen su’aalo dhawr ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxaa inanta yada aad wax uga qortay? Maxaad Muraayo Garaad Ugu bixisay? Yaa ka dambeeya Qoraalkaagaa? Yaa kusoo diray?
Su’aalahaa ugama jawaabin , haddalo aanu is dhaafsanay kadibna waxa uu mid kamid ahi markiiba ii qaaday Gacan si gaadmo ah anoon iska arkayn inta uu xaga dambe iga soo maray ayaa waxa uu ii gaystay dhaawac dhagta dhinaceeda ku beegan. Kadib waxaa gurmad galay shaqaalihii hotelka iyo muwaadiniin hotelka ku sugnaa oo dagaalkaa Qorshaysanaa hakiyey. Waxaan ka xusi lahaa amintii uu su’aalahaasi socdeen waxaa daqiiqad-daqiiqad ula soo hadlayey kooxdan ninka ay wasiirada Maaliyada Walaalaha yihiin ee layidhaa Xaaji, aniga oo ku xaqiijinaya jawaabta kasoo baxaysay kooxdan ; “ Xaaji Ninkii waxaanu ku haynaa IMPERIAL hada ayaanu hawshii bilaabaynaa”.
Waxaan ummada Somaliland u sheegayaa in Dagaalkaa qorshaysnaa ee dhaawacyada la iigu gaystay in ay soo abaabuleen Wasiirada Wasaarada Maaliyada Samsam iyo Walaalkeed Xaaji oo illaa xalay abaabulaayey sida warar kala duwan aan ku helay . waxaa uu ka dhashay dagaalkani dhacdo dhab ah oo aan ummada usoo bandhigay haddiise manta ay marayso kii wax qoraba dagaal abaabulan halagu ee keysiiyo waa ficilo aad u fool xun oo dalkeena ugub ku ah. Waxaa hore u jirtay in qoraalka qof qoro haddi uu cid u cuntami waayo in qoraal kale lagu naqdiyo , laakiin hadda waxaa bilawday in dagaal gacan ka hadal ah lagu naqdiyo……!!!!
Gabagabadii, waxaan mar kale cadaynayaa in Wasiiradaa Xilka weyn ka haysa Qaranka inay ku fikirtay oo ay abaabushay dagaalkaa aan dusha kusoo xusay.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar