KOOB LOOGU MAGAC DARAY MUJAAHID ALI MAARSHAAL OO KA FURMAY MAGAALADA HARGEISA

0
792

1-300x224Hargeysa(Halsan)-Jul 14 20015 Waxa magaalada Hargeysa ka furmay tartan loogu magac daray Mujaahid Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo ahaa aqoonyahan iyo siyaasi reer Somaliland ah oo geeriyooday.
Tartanka loogu magac daray marxuum Cali Maarshaal, oo uu qaban qaabiyay guddoomiyaha hay’adda wadaniga ah ee HYDA Khaalid Xaaji Aadan Cabdi (Khaalid Jiilaani), waxa uu ka socdaa lix garoon oo ka mid ah garoomada doogga ah. Tartanka oo furmay 9 Jullay dhammaan doonana 27 Jullay oo ku began maalintii uu marxuumku geeriyooday, waxa ka qayb galaya 16 kooxood oo isugu jira dhallinyarada cuslaatay iyo dhallinyarada Seriea A. Marxuum Cali, Alle haw naxariiste waxa uu ahaa nin si weyn uga soo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta ee SNM, waxaana la filayaa in gunaanadka tartankan ay dad badan oo magac lihi ka qayb geli doonaan.
HALSAN MEDIA
HARGEISA SOMALILAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here