Komishanku Ha Is Casileen ( Abdi-shotaly) !
Murtiilihii Cigaal Shidaad (IHN), oo ahaa nin aad u xikmad badan, lehe-na maah-maaho aad u waaweyn, oo uu isagu sameeyey, dad-kuna hal qabsi ka dhigtaan, markay soo hor maraan, wixii uu sheegi jirey, laakiin dadku fulay u yaqaaneen, ha-yeeshee, ahaa siyaasi il-dheer garad ah, oo indoora ka horeeyey ummaduu la noolaa, wakhti-gaana dhulka ama cariga Somalidu degan tahay, aanay ka jirin wax siyaasad ahiba, baa odhaah-dda af-kiisa ka soo bixi jirtey, ay somalidu arimo badan ilaa hadda u daliil-sataa., weliba wuxuu ka hadli jirey, wax-yaabaha laga yaabo ee markaa ku cusub, ama aan hore-ba u soo marin, dadkii casri-giisii degenaa, ilaah naxariis-tiisa ha ka
waraabiyo’e. Intaasi waa hor dhace, waxan marxuumkaa ku xusay maanta, oo aan ka soo qaadanayaa sarbeeb-tiisii ahayd ” Hadaan Karin-taas laga guurin, gorayo heeryeysan, baa ka soo dhici doonta” Sidda la sheegay-na way ka soo dhacday, iyada oo heerya-deeddii wadata mudo dabadeed, oo mucjiso bay ku noqotay oday ka sheekee ah, dadkii ayaantii uu sheegay isaga la yaabaayey, markaas bay dib ugu soo noqodeen kuwii lahaa waa fulay. Ujeediyo haatan, waxan doonayaa in aan halkan ku soo ban-dhigo, arin u eeg xikmadaas sare ee Cigaal Shidaad, ee in yar I amaanaysii oo aad akhrido wakhti-gaaga, adigoo mahadsan.
Qofka waxa jooga aan garanini, waxa soo socdana kaba sii daran, oo wuu ka malafan yahay, xaqiiq-dana wuu iska indho tiraa, ilaa ay bishu hortiisa timaado, oo ay ku tidhaahdo ka dabaalo hadaba, waa adiggii dhegaha iga fureys-taye, oo waa tii soo joog lagaa waayey, ee aad ku sii xidays-nayd waalidda’e. Sidoo kale waxan shicib-yahw idiin soo hor dhigayaa saaka, kuwan uu maamulka askarigu ku dhejisan yahay, ( Waa Komishanka’e), oo iyaka iyo maamulka askarta ee ay wadda shaqays-taanaan ( Ummadad Uma Shaqeeyaane), hadaan laga hor tegin, waxaan meel dheer laga doonayn, waxa aad tidhaahaan Nabad baanu haysanaa. Waxan idin leeyahay, Kab iyo xaar-keed waa la isku tuuraaye, kuwani waxay soo wataan weli ma cas-casa, farina kama qodna, inta goori-goor tahay hadaan la iska gaadhin, waxan meel dheer laga dooni-doonin Somaliland-ta aad sheegaysaan, ee qof walbaw-ba sidaad doonto u qaado, kuwa calooshoodda u shaqaysta-yaasha ah ee daba socdda, ama xaafada-yadda baa mamaul-kani ka soo jeedaa leh, Iyana way ka maali malabakii farta loo geliyey, ee ay muudsan jireen.
Ugu dambay iyo khaatimaddii qoraalkan, Waa in ay is casilaan, uu hoosta ku haysto askariga ku andacoodda madax-baan ka ahay,meeshan gabalku u dumay. honkodaw dhac, oo xeeshaa dhac bay murtiyi ahayde, hadaan wax la isku qabin, oo aan go’a la wadda saarayn, xaalku marayan qaataye adna ii qari, maxay kuwan uu cinwaanku ka hadlayaa, ay isugu dhejina-yaan, oo akhristaw ay u odhan waayeen, haddii dalka iyo dadku intaa ku burbu-raayo, oo sababtu tahay annaga, waanu ka tanaasulay ee ciddii kale oo loo diranaayo, baanu u dhiibaynaa. Kuwan la isku haysto, ee magaca Komishanka ku ceesha, bal u fiirsadda akhyaareey, mid aan guri dhawr dabaq ah ka dhisayn Hargeysa ma jiro. Xagee laga helay ama laga keenay lacag-taas, ma cirkay ka soo dhacday, oo waxa weeye sheekaddii Xaaji Buuflahii Berbera ee odhan jirey, Illaahaw joonyad lacag ah, dusha iiga soo rid, ee siduu u sugaayey daabulo doolar ka buuxo, oo samadda daayin uga soo rido ku waashay aakhirkii. soo gunaadadka maqaalkan, wuxu yahay, nimankan hadaan la kala dirin, waxa hubaal ah, in ay sababi doonaan, dagaal ay beeluhu foodda is geliyaan, buu qoriga ula dhaqaaqi doonaa, waana og-tihiin oo marya-alool dambe ma jiro, oo la isku baray beentii la isu sheegi jirey. Halkaana waxa dabarkii dadka lagu maaeelin jirey ee ahaa wax Somaliland la yidhaaho baa jira. Waxan askarigan u sii laqimayaa, tani way iska soo dhamaatay, oo adaa iridaha u soo xidhaye, sidaa ha ku handaraab-naato, bal cidda wax ku la’, waa la arki doonaaye, ama is diisii ama ha is diidsiin.
N.B Qofka Aan Waxa Jooga Garanini, Waxa Soo Socda-na Hadal-keed Daa!
Qore:- Abdi-shotaly