Hargeysa(Halsan): -gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaa gudoomiye Faysal Cali Waraabe ugu baaqay inuu is casilo sidoo kalena waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray gudoomiye Faysal kuna saabsan uu xilka ka qaadis iyo xil magacaabis.
Waxaana uu u dhignaa qoraal uu Cali Guray baahiyay sida tan
Ku : Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Tar: 03/4/2016
Ujeedo: Jawaab Celin
Mudane
Waxan ka helay Facebook-ga qoraal aanan hubin inu yahay been abuur iyo inu yahay rasmi oo dabayluhu sitaan laguna faafiyay warbaahinta sida aan filayo kuna saabsanayd xilal magacaabis iyo xilal qaadis aan waafaqsanayn Xeerka Xisbiga UCID.
Hadii ay jirto in aad qortay waxay iftiiminaysaa heerka aqoonta maamul iyo aqoon darrada kaa haysa dhinaca Xeerka UCID oon filayo in haba yaraato eh aanad hal qodob ka aqoonin wayoo ku xadgudubka Xeerka UCID maaha ceebtaada ee waa caadadaada. Hadii xilkii uu kuu igmaday xisbigu ugu shaqayso xisbi kale iyo musharax kale aniguna xilka aan u hayo waxan ku difaacayaa xisbigayga iyo musharixiisa madaxwanaha iyo guud ahaan danaha xisbigayga.
Si kastaba ha ahaato eh maadaama warqadani ay ka hor imanayso Xeerka Xisbiga UCID adiguna aanad ka sarayn Xeerka Xisbiga warqadan dabayluhu siteen wax ka jiraa ma jirto sababta oo ah waxa burinaya Xeerka xisbiga iyo awoodaha uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga
Ugu dambaystii marka aan eego hab dhaqankaaga aan waali iyo miyir qab u kala saariwaayay waxan kugula talin lahaa in aad xilka iska casisho taas ayaad xaq u leedahay UCIDna dan u ah si uu u gaadhi karo higsigiisa una beegsan karo inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland
Ugu dambaystii waxan mar kale kuugu celinayaa aniga oo halkii aan qoraalkaaga ka helay(Facebook) kuu soo marinaya in qoraalkaagu kaagu waxba kama jiraan yahay lana mid yahay aniga oo inta aan qoraal sameeyo idhaahda waxan xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Xisbiga UCID waxay ka duwan tahay ma jirto marka aan eego Xeerka Xisbiga
Wa Bilaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Gudoomiye Xigeenka 3aad
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeeka- UCID
Ugu Danbayn xaalada xisbiga UCID ayaa maray jawaab iyo jawaab celin, khilaafkan ka dhaxeeya masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa isna maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya.