Khasaare Iyo Faa’iido Muxuu Keeni Karaa 19% Stake -ga La Siiyey Ethiopia? By Ahmed A.Muse

0
771

 

Khasaare Iyo Faa’iido Muxuu Keeni Karaa 19% Stake -ga La Siiyey Ethiopia? By Ahmed A.Muse

 

 

DP World keligood In ay dhisaan Berbera Corridor way ku adkaatay Markaa waxa la Maalglelinaysa Dawlada Itoobiya Oo la bixinaysaa Dhaqaalaha ku baxaya Jidkaas

Sacad Cali Shire in uu runta Sheego ayay ahayd Dawlada Imaaradku wax wado ah Oo ay inoo dhisaysaa ma jirto ee midhkaa Ogaada.

Waxaanay ka mid tahay waxyaabaha loo hakiyey Saldhigii Imaaradka maadaama aanay jirin wax aynu dhaafsanay heshiiskaas.

Suaashu se waxay tahay maadama inagu shardi laynooga dhigay in aynaan Deked kale iyo marin kale Xukuumadeenu samayn karin Dhinacyada kale ee heshiiska maxaa shardi ah ee lala galay oo iyana dabraya tusaale:-

DHANKA
 

DP WORLD

DP World dhankeeda hadii lagu xujeeyey oo laga saxeexay in aanay Deked kale oo Gobolka ah Oo Marin kale noqota furayn oo ay keliya ku ekaanayaan Maalgashiga Dekeda Berbera Waa Heshiis Guul u hor seedi kara Oo Dekeda dalkeena u saamaxaya Awood iyo in Soo weecsado Dhaq-dhaqaaqa Ganacsi Gobolka waase hadii Shardigaasu lagu xidhay mase filayo oo ragii hor boodayey sidii kuwii Djibouti oo kale ayay Jeebka ugu jiraan DP World.

DHANKA ITOOBIYA

Dhanka Itoobiya ma garan karno xagooda shardi wixii looga dhigay Ee dabraya balse hadii shardiga qabanayaa yahay in Xadiga ugu badan Percentage ka Import and Export goods kii u mari jiray Djibouti Ee Ganacsigooda usoo weeciyaan Dhanka Berbera iyana waa Guul oo 30% Xageenu wuxuu dhalaya faa’iido ka badan tii hore waase hadii Itoobiya laga saxeexay heshiis marinka ugu mudan ganacsigoodu yahay Berbera Corridor oo shardiga ay ku heleen 19% ku sidaa yahay hadiise aanay Itoobiya ku Qasbanayn Isticmaalka Dekeda Berbera Waa khasaare Ay madaxa inoo geliyeen Raga Duduucayey ee dabada ka riixayey Heshiiskan.

Guusha Dhaqaale Ee Heshiiskani waa In Stakeholders ka kale Ku dabran yiin Ku koobnanta Marinkan Berbera Corridor iyo Dekediisa.

Waxa kale oo iswaydiin le Fursadaha Shaqo ee iman doon yaa helayo ?Shirkadaha Adeegyada iman doona qaban doonaa ma kuwa dalka ayay noqonayaan (Logistic Service Providers) ma iyaga ayaa Sub-Contract sii bixinay mise Dhinacyada Heshiiska ku jira ayaa qaybinaya

Sacad Cali Shire ayaa inooga jawaabi.

Waa Aragtiday-da iyo Xog Ururintayda

Ahmed A.Muse

ahmaal01@yahoo.com