Khasaaraha Weerar Ka Dhacay Degmada Mandheera Ee Kenya

0
861

Mandheera(Halsan) :-Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, 11 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii rag hubaysani salaadii hore ee Salaasada weerareen shaqaale dhagaxa ka qoda duleedka degmada Mandheera ee waqooyiga Kenya.

 

Shaqaalaha dhintay oo la sheegay in lagu weeraray guri dibadda ka ah degmada Mandheera ayaa la sheegayaa inaanay ahayn dad Soomaali ah, waxaana la rumaysan yahay in Al-shabaab fulisay weerarkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Kenya, ayaa Wakaalada AFP u sheegay in 14 ku dhinteen weerarka oo ka dhacay meel u dhaw suuq balaadhan oo xoolaha lagu iibiyo halkaasi oo dibadda ka ah degmada Mandheera.

Xoghayaha guud ee Laanqayrta cas ee Kenya Guleed Cabbaas, ayaa saxaafadda u sheegay in la weeraray dadkaasi xilli hore oo subaxnimadii ah iyagoo hurda. Waxa uu sheegay in afar ka mid ah dadka dhaawaca loo qaaday Nairobi si loogu soo daweeyo.

Ururka Al-shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii oo ciidamada Kenya soo galeen Somalia waxa uu mawjado weeraro ah ku qaadaa gudaha Kenya, halkaasi oo ay ku dilaan dad badan oo Kenya u dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here