Laamaha amaanka Kenya ayaa soo saaray liiska magacyada iyo sawirada lix ruux oo la aaminsan yahay inay dhalinyaradda Kenyanka ah ku qanciyaan inay Somalia tagaan oo Al-Shabaab ku biiraan. Saraakiisha Booliiska ayaa shacabka ugu Baaqay inay soo gudbiyaan xog sahli karta in la soo xiro lixda nin oo la kala yiraahdo Abdullahi Jarso Kotola, Hassan Jarso Kotola, Hassan Abdalla Mushi, James Kimanthi Masai, Hamisi Swaleh Abdalla & Rama Mbwana Mbega. Abdullahi Jarso Katolla ayaa boolisku sheegeen in la rumeysan yahay inuu ka qeyb qaatay weerarkii Mpeketoni lagu qaaday Bishii Juun 2014-kii kaasoo lagu dilay dad badan. Sidoo kale Booliisku Ninkan waxay sheegeen in intii uu joogay Tuuladiisii Marsabit uu ahaa wadaad dadka Wacdiya, isla markaana uu fursad u helay inuu dhalinyadda Kenyan ka ah ku dhiiri galiyo inay Al-shabaab ku Biiraan. Ragga kale uu Booliisku Xusay waxaa ka mid ah qaar uu Booliisku sheegay in ay Soomaaliya ku tababarteen kadib ay Kenya dib ugu laabteen ayna ka qeyb qaateen Weerarro wadankaasi ka dhacay. Weerarro isu jira toogasho, Bombooyin, waxyaabaha Qarxa ee dhulka lagu aaso iyo qaar kale ayaa ka dhacay gudaha Kenya kaasoo ay dhibaato ka soo gaartay dad badan oo isugu jira askar iyo shacab. |