Kenya oo Fashilisay Weerar loo adeegsanayey sunta anthrax iyo Lamaane Soomaaliya u dhashay oo la xidhay +Sawir

0
629

Booliiska Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay fashiliyeen Weerar araggaxiso oo lala damacsanaa in lagu qaado xarumo kuyaala dalkaasi, waxaana weerarkaasi lagu eedeeyay in ay abaabulayeen xubno katirsan Ururka ISIS.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in xubno katirsan Kooxda ISIS ay qorseenayeen in magaalada Nairobi ka geesataan weerar lamid ah kii Al-Shabaab ku qaadeen xarunta ganacsi ee Westgate Mall halkaas oo lagu dilay dad aad u badan.

Waxaa kaloo lagu sheegay warka kasoo baxay booliiska dalka Kenya in kooxdan la fashiliyay ay qorshaynayeen inay weerar loo adeegsadao sunta anthrax ay ka gaystaan gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Booliiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyay in uu ka shaqeenayay in uu ardayda Kenya ka dhigo xagijriin uuna duufsado ardayda Jaamacadaha iyo Iskuulada wax ka barta kuna qal qaalinayay in ay ku biiraan Kooxo ku sugan Soomaaliya iyo Liibiya.

Ninkan Soomaaliga ah ee la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Cali oo ahaa arday barta daawada , waxaa sidoo kale ninkan lala xiray xaaskiisa Nuseiba Mohammed Haji, iyo haweeney kale oo asxaab laheed oo lagu magacaabo Fatuma Mohammed Hanshi.

Booliiska ayaa ninkan ku eedeeyay in Shabakad xariir la eh ay ka shaqeeneysay sida Dhalinyarada Kenya looga dhigi lahaa xagjiriin, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan labo qof oo kale oo iyana la tuhunsan yahay in shabkadaasi xariir la leeyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here