”Jamhuuriyadda Korkordhinlaand” Ibraahin Hawd

0
682

(Qoraalladan Ibraahin-Hawd wax uu ku faafiyay bartiisa Facebook maalmihii tagay).

 

(1)

Bal ka warrama dalka uu Cali-Warancadde u yahay wasiir muhiim ah (basaaskii ilaa Afweyne aan shaqo kale qaban ee aan weligii xaq iyo sharci dawladnimo ku shaqayn)? Bal ka warrama dalka uu wasiirka u gu awood badani yahay Xirsi-Toorriile oo isaga oo intaa la’eg maqaaxiyaha shaaha dhigdhigi jiray, oo ay dawladda soo geliyeen islaamo fooxisooyin ahi? Bal ka warrama dalka uu madaxweyne ka yahay oday gaboobay oo Siilaanyo la yidhaahdo oo aan wasiirradiisa ka la garanayn? Bal ka warrama dalka uu Gole Guurti oo afar goor doorashadii dastuuriga ahayd ka dhacay, qofka la ga majeertaa yahay Cabdiwaraabe oo Siilaanyo laba jeer dhali kara? Bal ka warrama ummad dhan oo xaaladda sidaa u gabowday ee u dhimatay ku hoos nool? Bal ka warrama waxa bulshadeenna sidaa u dullaynayaa in ay tahay aqoon la’aan dawladnimada innaga haysata, oo aynnu odhanayno: odayada daaya!

Mee dastuurkii ay umaddu u dooratay si ay u gu dawladowdo? Mee madaxweynihii aynnu doorannay 2010 ee aynnu beddeli lahayn, ama dib u dooran lahayn, 2015? Mee golihii wakiillada ee ay umaddu beri dooratay ee ay shan sannadood ka dib dooran lahayd? Mee Golihii Guurtida ee la dooran lahaa? Meeda dawladnimadii wax walba loo soo huray?

Ma koox budhcad ah oo lacag kaa urursanaysa ayaad dadkaaga ka qaban kari wayday?

 

Anigu kollay aad baan u yaabban ahay!

 

(2)

Basaaskii gaboobay ee Cali-Warancadde, inankii wariyaha ahaa wax uu ku yidhi “Waan ku xidhi lahaa haddii aadan reer Ceerigaabo ahayn”. Dastuurka Soomaalilaand ma oggol yahay in wasiirradu dadka xidhxidhaan? Maya, waayo QAQ sharcigii dalku ku dhisnaa waa tii tuurtay, umaddana wax ay ku haysataa dadqalataysi.

 

Ku darso oo, QAQ dhiiggii ay maatada Hargeysa ku daadisay qirasho iyo tacsi wallay ka tahay! Ubax la is ku sawiro ayaabay ku shuqlan tahay.

 

(3)

Budhcaddii QAQ afduubkii sharci darrada ahaa ee dawladnimada iyo boobkii hantida wax ay ku darsatay in ay maatada rasaas la dhacdo. Nin aan dembi lahayn baa kibir loo dilay, afar qof oo kalena dhaawac rasaaseed baa dhulka loo gu tuuray. Wallee ma dhowa! Budhcad dawladeed oo waqtiga habboon la is ka qaban waayo aayaheeda waan aqaan.

 

(4)

Maalinba ta ka dambaysa waxaa sii caddaanaysa dawladnimadii Soomaalilaand in ay gacanta u gashay QAQ. Dawladdii waxaa loo rogay budhcadnimo ay kooxdaasi ku gabraarato. Harraad iyo beercaddaad bay maatadii la la silcaysaa, dalkeediina waxaa boobaysa oo shilinka ka xaalufinaysa kooxda iimaanka la ee QAQ. Kooxdaasi maanta cid walba iyo qof walba waa ay u kaashanaysaa danteeda xaaraanta ah, laakiin hoogga ay ka tagi doonto umadda oo dhan baa taariikh ahaan dhaxli doonta.

 

(5)

Odayga Golaha Guurtida Xaaji Cabdi-Waraabe wax uu xukuumadda kula dardaarmay in ay u dul qaadato qadafyada iyo meel ka dhacyada ka ga yimaadda mucaaridka oo uu sheegay in ay socodbarad ku yihiin mucaaridnimada is la markaana aanay wali u bislaan.”

 

Isaga oo mucaaradka la hadlaya wax uu yidhi: ”Kolkaa aad Guurtida wax ka sheegtaan oo dawladda wax qadaf ah ka sheegtaan sow dadweynuhu idinka yaaci maayo?”

 

Waxaa kale oo uu yidhi: ”Si wanaagsan ayuu u shaqaynayaa madaxweynuhu magaciisu ha raagee, sida u shaqaynayo ee uu u wareegayo waad aragtaan.”

 

Xaajiga Guurtidu wax uu kale oo yidhi: ”Shicibka waxaan lee yahay, nin aan idin horgalaynin, oo aan la xidhaynin, oo xabaddu ku dhacaynnin, oo aan dantiisa seegaynnin, oo xagga dambe istaagayaa, yaanu daasad idiin tumin. Is ka ogaada buuqa, waa shicibka cidda hurdada la ga kicinayaa, shicibkuna waa in uu feejignaadaa.”

 

Intaas oo dhan buu yidhi Xaajigu, waaana mowqofka iyo siyaasadda dhabta ah ee Golaha Guurtida. Dadweynuhu haddii ay cawdaan ama bannaanbaxaan in la xidhxidho iyo in rasaas la la dhaco ayaa miiska saaran. Taa macnaheedu waxaa weeye, ma ka la soocna Gole Xukuumadeed iyo Gole Guurti, sharci darraba ha ahaadeene. Hadalka Xaajigu waxba ka ga ma duwana kii Siilaanyo iyo kii Warancadde. Barta ay dawladnimada Soomaalilaand ka qudhuntay waa bartaa. Sababta ay QAQ u abuurantay waa taa.

 

(6)

Saddex fac oo umaddeenna ah, oo aan anigu ahay faca dhexe, wax ay ku noolaayeen cadaab dawladeed: maamul xumo, caddaalad darro, musuqmaasuq, halgan, qalalaase, qaxootinnimo, silic iyo darxumo. Waxaas oo hoog ah waxaa mar walba u sabab ahaa qof ama qofaf dadnimo xun oo iimaan-laawayaal ah oo ujeedkoodu hooseeyay. Soomaalilaand noocaas baa maanta afduubay oo dawlad u sheeganaya.

 

Haddaba, qof wal oo muddakar ah oo Soomaalilaand u dhashay waxaa ku waajib ah in uu sameeyo si walba oo faca kacayaa u ga badbaadi karo hooggii aynnu innagu dawladnimada ka soo marnay. Taasi waa in aynnu imika maamulka QAQ dalka ka qabanno, oo umaddu iyadu dawlad sharci ah doorato. Soomaalilaand weligeed ma soo mari doono maamul dawladeed oo ka saqajaansan QAQ.

 

(7)

Soomaalilaand Ilaahay barwaaqo iyo wanaag oo dhan wuu ku mannaystay. Ayaandarrada qudha ee haysataa waa dawlad xumo. ama dheh dawlad la’aan. Harraadka, gaajada, tahriibta, qabyaaladda, sharci darrada, musuqa, dulmiga, niyadjabka, iyo wax wal oo xun waxaa u sabab ah dawladdii oo ay koox budhcad ahi ku danaysatay. Dalkaa yari janno ayuu noqon lahaa haddii budhcaddaa la is ka qaban lahaa.

 

(8)

“Madaxweynaha Somaliland wuu ogyahay in aan ahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuiryadda Somaliland, isaga ayaana ii magacaabay. Waan ka xumahay oo aan cambaaraynayaa kuwa ka dhigaya in uu i moodayo Wasiirka Waxbarashada. Wuu caafimaad qabaa, halmaan halmaan hadalka kuma jiro. Muu asaasaqin ee beenta joojiya.” Samsam Cabdi Aadan, 4/8/2015

 

”Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo beeniyay in uu dhintay.” 12/2/2014

 

(9)

Duurxulkani wax uu ku socdaa saqajaamiinta madaxnimada Afrika ku saqajaanoobay. Laakiin daayeerku abuurtiisa ka ma waansamo.

 

Maalinta Obama madaxnimada dalkiisa ka dego, haddii uu innaga yeeli lahaa in uu madaxweyne inoo noqdo, wax uu inoo samayn lahaa dawlad aad u heer sarraysa. Waayo isaga oo shisheeye ah? Sababta oo ah wax uu lee yahay akhlaaq iyo ilbaxnimo uu ku doonayo in uu noloshiisa wax wanaagsan sameeyo, oo taariikh magac iyo maamuus leh ka tago.

 

(10)

Muwaaddin wal oo la gu dullaystay sharci la’aanta iyo maamulka kelitaliska ah ee Jamhuuriyadda Korkordhinlaand caawa haysta, oo hoos jooga taliska QAQ (Qawlaysatada Afduub Qaran), ogow in aad afduuban tahay oo aadan lahayn dawlad sharci ah.

Danta reer Soomaalilaand oo dhami waa mid qudha: Waa tii ay beri hore doorteen (dastuur iyo golayaal). Doorashadaas oo qudha ayaa ahayd dawlad sharciyeed. Tii meeday?

Caawa waxaa Soomaalilaand haysta kooxo maafiyoobay oo dalka u bixiyay “Korkordhinlaand”, iyaguna ah QAQ. Sinaba sharci u ma aha, dan gooni ah oo aan ta muwaaddinka ahayn ayayna u shaqaysataa kooxda QAQ.

 

(11)

Ururka Midowga Yurub gar buu u lee yahay in uu innaga tago iyo in uu joojiyo taageerada dhaqaale ee uu ina siiyo, waayo inna ma uu dhalin. Ururkaasi wax uu lacag iyo talaba ku bixiyaa sidii aynnu u hirgashan lahayn dawladnimo ku dhisan xasillooni iyo doorashada dadweynaha. Se waa innagaa galnay budhcadnimo iyo qawlaysatannimo dawladeed. Murtidu waa “Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan”.

 

(12)

Horta dadkeennu sow muslin ma aha? Haa. Sow habeen iyo maalin diin la ga ma hadlo oo la ga ma hadlo? Haa. Diinteennu sow ma ay xarrimin xadista xoolaha umadda? Haa. Madaxda dawladdu si xaaraan ah sow u ma qaataan hantida ay masuulka ka yihiin? Haa. Hantidaa ay boolyeen sow wax ka ma siiyaan madax dhaqameedyada isaga keen dhiga gob maamuus leh? Haa. Iyaga iyo carruurahoodu waxa ay la caloolo waaweyn yihiin sow ma aha xaaraantaa maqdaca ah oo ay ka soo dibbireen? Haa. Sow sidaa ma ay xalaashan oo ma joogtaysan? Haa. Sharci ka ma celiyo iyaguna ka ma xishoodaan sow ma aha? Haa. Maatadii hantidaa lahaydna sow gaajo iyo silic ma daadsana? Haa. Wadaaddadu taa waa ay og yihiin, qayb bay ka yihiin, maxbana ka ma qabtaan, sow ma aha? Haa.

 

Markaa masuuliyiinta siyaasadda, kuwa dhaqanka iyo kuwa diinta ee sidaa wada ah, waa maxay xukunka sharci, sharceeco iyo akhlaaqeed ee la saari karaa? U gu yaraan waa musuq, tuugnimo iyo faasiqnimo, sow ma aha? Haa. Haddaba qiyamka dhaqan, siyaasadeed iyo diineed ee la haysto oo dhami maxay ku fadhiyaan, dhab ahaan? Waxba. Dawladda, dhaqanka iyo diintuba sow u ma eka wax dadka masaakiinta ah uun la gu xukumo oo la gu addoonsado? Haa.

 

Xaaladdaa rogmashada ah ee la gu jiro maxaa u dawo ah? Waxaa u dawo ah kacdoon dhulgariir ah oo bulsheed oo wax walba beddela, duni cusubna abuura.

 

(13)

Harraad, surmi iyo beercaddaad ayay maatadii Soomaalilaand u daadsan tahay. Laakiin budhcadda dawladdoodii afduubtay carruurtoodu ka dheer harraad, surmi iyo beercaddaad. Miyaad dooratay m