JAAMAC SHABEEL OO GUDDOOMIYE KU XIGEENKA WADDANI KU TILMAAMAY SHAKHSI AY HAYSO AQOON DARO SIYAASADEED.

0
1032

Hargeysa (Halsan) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) , ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Guddoomiye xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, kaasi duray Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay in aanu guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye aheyn iyo in uu soo noo leynaayo dagaaladdii Sokeeye ee Somaliland ka heshiisay.
Jaamac Ismaaciil Cige, ayaa Wargeysi kooban oo Xalay uu Wargeyska Saxansaxo siiyey, ayuu ku sheegay in hadalka uu Axmed Muumin Seed ku dhaliilay Muuse Biixi Cabdi yahay mid muujinaaya Masuuliyad daro iyo qof aan la socon waaqica iyo waxa dalka ka socda, isla markaana Muuse Biixi yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo lagu doortay Shirweyne Xisbi, waxaanu sido kale Xisbiyadda Mucaaridka ah kula taliyey inay wax uu Qaylo joogto ah ugu yeedhay ay iska daayaan Xisbigooda Muxaafidka ah ee Kulmiye-na u taagan yahay difaacitaanka dhaliilaha Xukuumadda ka dhalatay ay difaacaan.
Guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ugu horeyn u jawaabayey eedeymaha uu Axmed Muumin Seed u jeediyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi “Hadalka ka soo yeedhay ninkan Axmed Muumun Seed la yidhaahdo ee leh Muuse Biixi guddoomiyaha Kulmiye maaha, adeernin weyn oo iska hadlay ayaan u arka , waxa uu hadalkiisu muujinayaa masuuliyad daro iyo sida aanu waddanka waxa ka socdaba ugu war hayninba oo waaba ninka leh Muuse Biixi Guddoomiyaha Kulmiye maaha, adeer warbaahinteenu in qofku hadii uu wax kasta iska yidhaahdo sida ninkan oo kale oo bulshadda been iyo garaad xumo looga sheekeeyo maaha, hadalkiisuna waxa ay daliil cad u tahay in aanu ninkani laba socon waxa dalka uu Siyaasiga in uu ka yahay ka jira aanu laba socon iyo in uu soo ambabaray uun waayo hadii aanu Muuse Kulmiye Gudddoomiye ka aheyn yaa ka ah taloow ma Cirro-ha uu sheegaayo, xata waxa is weydiin leh xagu dalka kaga maqnaa Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee hogaankiisa lagu doortay ileen inta aadan warbaahinta soo fadhiisan ayaa dadka wax la weydiiyaaye”
Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Colaadaha uu ninkaasi ka hadlay iyo dagaaladda uu sheegay waa kuwo halkee ka socda iyo waxa uu leeyahay waa la soco celinayaa maxay yihiin ma colaad isaga gaar u quseynaysayba isaga yaa yaqaaneyba wakhtiga uu ka hadlaayo adeer xata qof jiraba oo la yaqaan xiligaasi muu aheyn waxa uu ka hadlayaa waa maxay , ninka siyaasiga ahi marka uu arimo Siyaasaddeed ka hadlaayo waa in wax dadku fahmi karo ka hadla , adeer Somaliland wax colaad la yidhaahda imika kama jirto waa wax mudo dheer ka hor laga soo gudbay waxa uu ka hadlay waa wax quruumihii ah oo aan hada Siyaasad shaqo ku la heyn, Shaqsiyada caynkaasi ahi in uu bulshadda isaga oo sida u hadlaya hadana yidhaahdo musharax ayaan ahay isaga oo wax ka sheegaaya dad dalka uga qiimo badan oo dadkan iyo dalkan naftooda u soo huray waa wax laga xumaado in uu Qabyaalad ku eedeeyo”
Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel oo ugu dambeyntii Xisbiyadda Mucaaridka ah u sheegeeyey in Kulmiye u taagan yahay Difaacitaanka Xukuumadda ka dhalatay Xisbigooda Kulmiye waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye Xisbiyadda Mucaaridka ah ee qeylinaaya waxba ka weydiin maayo difaacitaanka Xukuumadda ku dhisan Kulmiye, waayo hadh iyo habeen meel kasta iyo goor kasta sharci iyo xaq ayaanu u leenahay difaaci taanka dawladda Xisbigeedii aanu nahay ay ka dhalatay, mararka qaarna waxaabad mooda in aanay Siyaasadda iyo sharciyaddaba la socon marka ay leeyihiin Mucaaridku Kulmiye yaanu Xukuumaddiisa difaacin iyaga ayey ceeb ku tahay, waanay og yihiin xaga Siyaasiga iyo sharcicga aanu u leenahay in aanaan iyaga waxba ka weydiineyn oo mar kasta ka difaacayno wixii xukuumadda kaga lagaga gardaran yahay”ayuu hadalkiisii ku afmeeray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here