Itoobiya Oo Qabatay Hub badan iyo Lacag Cadaan ah

0
645

Itoobiya Oo Qabatay Hub badan iyo Lacag Cadaan ah

 

Booliska Federaalka dalka Itoobiya ayaa gudaha iyo banaanka Magaalada Addis Ababa ee Gobolka Oromiya ku qabtay lacag doolar ah iyo hub sharci darro ah.

Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya Zeinu Jamal, oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo bandhigay hub fara badan iyo Lacag caddaan ah oo sharci darro ah.

Zeinu Jamal ayaa sheegay in lacagta caddaanka ah ee ay qabteen ay gaareyso $10-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxa kale oo uu sheegay in Hub gaaraya 1,000 qori oo isugu jira kuwa tooska u dhaca iyo kuwa fud fudud, sidoo kalena ay qabteen 80,000 oo Rasaas ah, kuwaas oo qaab suuq madow ah lagu geliyay gudaha Itoobiya.

Taliye Jamaal ayaa sheegay in hubka iyo lacagtaba si sharci darro ah lagu geliyay Itoobiya isaga oo intaas ku daray in dalka Itoobiya laga geliyay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hayaan dadkii Hubka iyo lacagta sharci darrada ah geliyay Itoobiya isaga oo intaas raaciyay in sharciga la horgeynaayo.