Ismaan odhan Dhuxul nin ka liita ayuu Silaanyo afhayeen ka dhigan

0
597

Af-hayeenka madaxweynaha (Hussien Dayr) Alla Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaane

Ismaan odhan Dhuxul nin ka liita ayuu Silaanyo afhayeen ka dhigan hase ahaatee odaygu rakaab xumida waa ku caan oo Hussien Aden Egeh ( Dayr) oon laba kelmadood isku toosin karin oo hadalka booshaaqa ayuu hadana afhayeen ka dhigtay. Hussien Dayr horta waaba nin mukhajil ah oo dadka iyo kamaradaba wuu ka kurbadaa dabeedna wuu isku daataa. Dhuxul damiin kasta ha ahaadee kamarada wuu ku indha adkaa. Dayr se laba jeer oo warbaahintu waraysatay waxbaa kala qabsaday oo su’aalahaba ma fahmayo oo wax kale ayuu ka jawaabayaa. Mar wax laga waydiiyey calanka eyga loo xidhay kamuu jawaabin ee wuxuu isku qaaday xisbiga Waddani uu leeyey qorshe siyaasadeed ha la yimaado…Ya salaam…..eesh calaa afhayeen…….. Hussien Dayr af-somalina waa lugula hadlayaa hadana waxaad moodaa in uu hurdo oo meel kale ayuu isku taarayaa isagoon weliba af-somali hagaasan ku hadlayn. Mar la waydiiyey sababta Silaanyo aannu warbaahinta 5 sano iyo dheeraad uula hadal na waxaan jawaab ahayn hadana af-somali u eeg ayuu ku yidhi wuu la hadlaa laakiin hawlo kale ayuu leeyey, dabeedna wuu diiday in sua’al kale la waydiiyo oo cagaha ayuu wax ka deyay. Waar iga tag adiga iyo kii ku yidhi af-hayeen ii noqo isma dhaan taan e. Xaqiiqdu waxa weeye Hussien Dayr waa nin madhan oo faaruqa.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com