Isku socodkii ugu horeeyay ee xukumadda Siilaanyo iyo Muqdisho oo Hargeysa ka bilaabmay Daawo iyo Wasiirka Warshadaha oo qaabilay Waftigaasi Fadeexad

0
650

Hargysa,(Halsan):-Isu socodkii u horeeyay ee xukumadda Siilaanyo iyo maamulka gacan ku rimiska ah ee Somaliya ayaa ka bilaabmay todobaadkani magaalada Hargysa oo ay yimaadeen koox isku sheegtay Somali Renewable Energy, waftigani ayaa casuumad ka helay oo xafiiskiisa kula kulmay wasiirka warshadaha Shacayb Maxamed Muusa.

Waftigani ayaa markii hore waxa soo abaabulay wasiirka macdanta iyo tamarta kaasi oo kolkii ay Hargysa yimaadeen isga riixay wajiga hore in ay la kulmaan wasiirka warashadaha oo ah shaqsi bilaa aqoon ah oo raadinaaya uun mashaariic aanu fahansayn dabinadooda cawaaqibka ka dhalan kara.

Waftigani ka socday koonfurta Somaliya oo uu hogaaminaayay Dr. Xuseen Cabdi Calasow, ayaa sheegay in ay Hargysa u yimaadeen in ay mashaaruuc dhinacyo badanle ka fuliyaan oo ay ugu horayso mashaariicda la xidhiidha tamarta, qorshana waxa uu salka ku hayaa sidii ay kooxdani u qaban lahayd ama dalka u keeni lahayd mashaariic lacagayow lagu lunsado oo ay kuwada socdaan iyaga iyo wasiirka tamarta Somaliland Xuseen Ducaale iyo wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay oo isna kooxdani wax badankala socda.

Xaga Somaliyana waxa ay arintani ugu diwaan gashantahay in la hirgaliyay heshiisayadii isu socodka madaxada labada dhinac oo ay Somaliya ka gaadhay guul weyn.

Wasiir Shacayb oo arintani ka hadlay ayaa isagu ku tilmaamay guul, waxana uu sheegay in uu waftigani u furaayo meel kasta oo ay u baah’daan isga oo sheegay in arintaasi ogolaansho uga haysto madaxtooyada.

 

 

Wasiir Shacayb ayaa dhawaan ka soo laabtay shirar uu kaga qayb galay dalalka Holland iyo Denmark oo isaga oo ku milmay maamul goboleedyada ka jira Somaliya waxana lagu marti qaaday shir Somaliweyn ah isga oo shirkaasi kaga qayb galaayay maamul goboleed la yidhaa Somaliland waa sida uu isagu shirkaasi ku fadhiistaye

ShacaybHar3 ShacaybMaxamed ShacaybHar2