ISBAHAYSIGA MUCAARIDKA OO KU DHAWAAQAY SHIR ISLAMARKAANA XUKUUMADA UGA DIGAY INAY SOO FARO GALISO

0
733

Hargeysa(Halsan) – Hogaamiyayaasha Xulafada  Mucaaradka Somaliland ayaa si wada jir ugu iclaamiyey qabsoomida shir wadatashi qaran kadib markii ay wax tixgalin ah ka  waayeen Ahmed Siilaanyo oo ay hore ugu diraan dhambaal nuxurkiisu ahaa inuu hirgaliyo heshiiskii xisbiyada ka hor 20 July

 

Wasiirka  Cali Warancadde, ayaa hore Xulafada  Mucaaradka u diray fariin ah  inay ka soo qayb galaan wada tashi lala furi doono Guurtida si looga dhaadhiciyo hirgalinta heshiiska, waxaana uu wasiirku ganafka ku dhuftay qabsoomid shir qaran oo kale kaas oo ay la yimaadaan isbahaysiga mucaaridku.

 

Musharax xigeenka Xisbiga  Daryeelka iyo Cadaalada ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, oo saxaafadda la hadlay kadib kulan dhex maray  Isbahaystia Mucaaridka ee  Ucid, Waddani iyo Madasha wadatashigu waxa uu tilmaamay in la isla qaatay “Kulan maanta la iskugu yimid uuna kasoo baxay in la qabto Shirka wadatashiga Mucaaradka oo ah, oo aanu u aragno shir qaran maadaama aanu nahay xisbiyada qaranka. Waxaa la isla gartay tirada ergooyinka shirka iyo tirada shirgudoonka shirka iyo waliba ajandaha shirka” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

 

Musharax ku xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sii sharaxay nuxurka shirkaasi “Nuxurka Shirka, shirku wuxuu qabsoomi doonaa 23,25, iyo 26-ka bishan aynu ku jirno ee todobaad  2015. Maadaama Madaxtooyadu ku Guuldaraysatay qabashada doorasho aan dhaafin wakkhtigii dastuurku u xalaaleeyey ee ku eekayd June 26 2015, maadaama xukumaddu ka Jabisay heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada, maadaama muddo xileedkii dastuurku siiyay xukumaddu dhammaanayo Jul, 27 2015, ayna lagama maarmaan tahay in qarankan laga badbaadiyo mugdi hogaamin la’aaneed, waxay daruuri  u arkeen Xisbiyada Qaranku inay iskugu yimaadaan shirka ay kaga tashanayaan badbaadinta  Qaranka iyo dimuquraadiyadda ay  Somaliland kusoo caana-maashay”.

 

Halsan Media Group

Hargeysa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here