INTERNETKA BARKHAD IYO BALAAYO ISBARKAN!!

0
581

Dhalintii waxay ku mameen oo balwad lagu ibtileeyay noqoday interka waanay u bambaxeen banbixid in la quuso guntiisa hoose, sheekadooduna waxay kusoo ururtay maxaa ku qornaa iyo maxaad kusoo bandhigtay Dagalada kala duwan. Waxaana dhacda in la dul hawaarsado amin dheer iyadoon la dareemay daal iyo dhibaato, taasi waxay inagu riixaysaa in aynu jaleecno barkhadiisa iyo balaayadiisaba, si aynu ugaga sugnaano ban cad. bal aan taxno labadiisa garab halkan hoose.
1. BARKHADAHA INTERNETKA
Runtii waa middi labba afle bal aynu eegno tusaale ka mida tusaalayaasha dadka hanka sare lihi sida ay uga dhiishaa dhaansadaan dagalada shabakaddaha internetka, arrimo nacfi u leh waxayna ka dhigteen Aaladan mid ayku horumariyaan Diintooda,Naftooda,Dalkooda iyo Dadkoodaba. Waanay ka dhigeen shaqaale u adeega iyagoo dhanka kalena ku difaacay arrimaas aan soo sheegnay loolan adagna ka galay difaacida arrimaha biyo kama dhibcaanka ah sida Diinteena iyo Dalkeena, si kasta ha ahaatee dadka midida dhanka fiican u qabsaday waxyaabaha ay ka faaiideen waxaa ka mida arrimahan soo socda.
• In Diinta Islaamka dadka loogu yeedho si xikmad iyo waano wacan leh
• In laga faaiidaysto daraasadaha aqoonta ah ee la diyaariyay.
• Faafinta qoonta fiidada leh iyo dhaqan suuban.
• Barashada aqoonta Aduunka iyadoo waddooyinka horumarka iyo badhaadhaha lagu gaadhay lasoo dheeganayo.
• Ogaanshaha warbixinaha ugu dambeeyay iyadoo macluumaadka, tirokoobyada caalamiga ah ee kala duwan.
• Lasocodka xaaalada iyo nolosha Dunida gaar ahaan kuwa muslimka ah.
• Lasocodka dhacdooyinka aqooneed iyo muxaadaraadka heercaalami iyo mid gudaha ahba kala socoshadooda shabakadan dhexdeeda.
• Ka difaacida Islaamka tashwiiska kuwa liita.
• Ka digtoonaanta dibka dhaladka loo nisbeeyo Diinta islaamka.
• Si fudud ula xidhiidhida culimada iyo dadka aqoonta ku dheer si aad u biirsato, una toosisato wixii kaa qaldan ama shaki kaa galo.

2. BALAAYOOYINKA KU DUUGAN
Dhinaca qaldan cida middidan u qabsataa waxay la darsaan duruufo saamayn toosa iyo mid dadban ku leh qaab nololeedkooda. Waxayna si hoose u guraan ama u xadaan maanka iyo damiirka una jiheeyaan jihooyin cusub oo qaloocan waxaana kamida ku wan soo socda iyo kuwa kale.
• Whati lumis badan, wakhtiguna waa adiga waayo maalmo ayaad ka kooban tahay.
• Barasho asxaab aan la mahadin.
• Abuurid ama beerid mabaadii iyo shaki galin.
• Faafin gaalnimo iyo Alle diidnimo.
• Ku dhicid ka qayb qaadasho afkaarta Nasaarada.
• Burburinta adaabta iyo akhlaaqda iyo baahin xumaan iyo wax liita.
• Kudasho indho la’aana reer galbeedka iyo jacayl u qaadid wadamadooda.
• Fudaydsasho Salaada iyo daciifnimo dadaal hooseeya.
• Barashadda waddooyinka xagjirnmada kasoo horjeeda islaamka dhexdhexaadka ah iyo wax kharbudaad.
• Ku qarqoomida xaaladaha jinsiga iyo lumitaanka
• Badashada damiinimada iyo caajisnimada
• Hoos u dhaca heerka aqoonta qofka.
• Daba galka arrimaha dadka kale .
• Iyo burburka qoysaska.
Walaalka qaaliga ahaw miyay inoo haboontahay in nimcooyinka Allaah aan u adeegsano macaasi. Miyay habboon tahay in Aaladan inteeda xun aan ku koobnaano, iyadoo qayrkeen ay u adeegsanayaan waxkastoo horumarin nafeed iyo mid daleedba iyagoo dhuranaya aqoonta ku aasan.
Allaah aan ka cabsano dhamaanteed naftaadana waydii su’aalahan
• Maxaad u diyaarsatay lakulanka Rabigaa.
• Waa maxay sahaydeednaa iyo saadka aakhiro wadadu way dheertahaye.
Dadku mawaxay horumarsanayaan wanaagyo iyo camalo fiican adiguna ma waxaad iska sii horaysiisay Heeso,Filimo, daalacashada sawiro aan asturnayn shabakadahan dhexdooda. Balse halkeen kaga suganahay hadalkii Allaah Subxaanah Watacaallaa Sareeye wanaagsanaaye (WAAR KUWII IIMAANKA LAGA HELAYAW UGA DIGA NAFTIINA IYO EHELKIINA NAAR XAABO LOOGA DHIGI DOONO DAD IYO DHAGAXAAN.) Aayada lixaad ee Taxriim.
Waxaan Allaah inoo waydiinayaa in uu inagu sugo diinta iyo waafajinta waddadiisa toosan. Naxariis iyo Amaanina ha ahaato Rashuulkeenii dushiisa iyo ehelkiisa iyo saxaabadiisii iyo inta rumaysay.
Waxa qoray :إعداد / عبد العزيز بن محمد الطريف
Hal tebintii iyo kaabistii, Xigasho Saaid.net
Ahmed Ali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com