Dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya ayaa ku guuleestay in ilmo yar oo mudo bil ah jiray ay ka saaraan 7-ilkood oo usoo baxay, waxaana arintan ay noqotay mid dad badan aad ula yaabeen si weyna loo hadal hayo.
Hooyo kunool gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa ilmaha yar oo dhashay mudo bil ahna jiray waxaa usoo baxay todobo ilkood, hooyada ayaana dhibaato xoogan ku qabtay nuujinta cunuga yar oo naaska kala dhib qabtay.
Waalidiinta Cunugan yar ayaa ugu dambeyn go’anasaday in ay geeyaan isbitaal si ay dhakhaatiirta ula socodsiiyaan cunugan yar ee ilkaha usoo baxay iyo dhibka hooyada ku qabto in ay naaska nuujiso.
Dhaqaatiirta ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in cunuga yar ka saaraan dhamaan ilkihii uu lahaa, waxaana dhaqaatiirta ku warameen in xaalada ilmaha yar ee hada tahay mid aad u wanaagsan.