Ilmada Indhaheenna By-Ceelaabe

0
712

“Markasta oo aad Aragto in Indhahaaga Ilmo ay soo Istaageyso, amma ka soo buuxsantey,Waxbaa Jira ama Qofbaa Jira sabab u ah”.Qalbiga iyo Guud ahaan Jidhkaaga ayaa dibadda isaga soo saarrey Dareenkan oo xejisan Kari-waayey”.

“Dad baa aaddaya  Xarumo loo Furey si loogu dhex Ilmeeyo,Dadka murugada iyo Ciilka Qabba ayaa taga oo Saacaddo ka soo Dhex ooya,si Werwerka iyo Isku buuqu kaaga tago Waa in aad Ilmeysaa oo aad ooydaa Ayey dadka qaar Rumeysan yihiin,Ilmada iyo oohintu wey u fiican tahay Qalbiga iyo Ishaba Ayey dadka Cilmi Nafsiga bartey kuu shegayaan.Dad badan Ayaa in ay ooyaan loo sheegaa xaaladdaha qaarkood,Ha ka xishoonin ayey kugu odhanayaan Waa Caafimaad,Ilmada Naxariista iyo Cabsida illaahey kaaga timaadda Waa la oggol yahay Derajo Fiicana waa lagu Gaadhaa,hase – ahaate in Meydka laga dul-qeyliyo oo loo ooyo Habeen iyo Maalin Waa Xaaraan,Waa laba oohinood iyo Ilmo kala tagey”.

“Oohintu Wax ay dib u soo Celisaa Dareenkeenii horre,Ilmadu waxa ay Hagaajisaa Dhinaca kale Jawigii Qofnimo oo intii horre ka sii Wanaaggsanaada,Ilmadu waxa ay Qoysaa oo ay u Naddiifisaa Isha,Oohintu waxa ay Dishaa Jeermis badan oo ilma -qabatey ah,Waxa ay hoos u dhigtaa marka qofku ooyo Werwerkii iyo isku buuqii Heystey”.

Xanaaqa ayey innaga Tir-Tirtaa,Aarsigga ayey Yareysaa,Daal badana Marka aynnu in badan oohinta wadno wey innagu beertaa,Saxarka Isha Maalin oo dhan ku socda ayey soo Raacisaa Biyaha ilinta Qubaneysa,Isku Buuqa ayey ka saarta Qofka  marka aynnu ilmeyno,Ciilka iyo Murugada kugu Jira ee aad arrimo ku soo Dhaafey u qabto ayey Maalin uun ilmadu dibadda u soo saarreysaa,Wax badan oo Maskaxda iyo Qalbigu heystaan ayey oohintu soo bandhigtaa,Marka uu Qofku oohinta dhammeystana Maskaxda iyo Qalbigaba isbedel firfircooni leh ayaa ku dhaca”

“Qofkii loo Bushaareeyo Ayaa ilmeynaaya,Guusha Ayaa oohin iyo Ilmo Farxaddeed Leh,Adduunyadana wax ay saxaafadduhu inoo soo Tebinayaan dad Farxadd la ooyaaya in badan,iyo kuwo Dulmi ,Caddaalad-Darro iyo Dhibaato heysata Awgeed Waddooyinka ka dhex ooya’ya.Markaad Aragto Wax aad Jecleyd ama Sugeysey Ayaad ilinta Ceshan Kari weydaa,Marka  aad Xassuusato Wax aad Qarsaneyso oo kugu Haya Xannuun dheeraad ah Ayey ilintu iska Timaaddaa,Farxadda Abaal-Marinta iyo Wax Qofku ku guuleysto oo agtiisa Qaali ku ah ayey la socotaa,Dareenka Jaceylka ayey la socotaa,Qofka oo la dillo Ayey u tahay Codka qudha ee lagu garanaayo oohintu,Dhimmashada iyo Geerida Ayaa Adduunka aad Moodda in oohintu ay astaan u tahay lagu garto”.

Xannuunka iyo Cudurrka Ayaa Oohinta  Qeyb ka ah,Xannuunada Isha ku dhaca ayaa Ilmada innagu sababa,Qeyladda iyo cabaadka oohinta ku mataann iyo Baroorta nooca aynnu ugu yeedhno ayaa isla oohinta Xun ka mid ah,Naxdinta iyo Cabsida ayaa innagu keenta oohin iyo argagax,Carruurta ooyeysa Haweenka Ayuunba xamili kara oo heyn kara,Codka Oohinta kala duwana wuxuu leeyahay Xanaaq iyo isku buuq hor leh oo ku dhasha dadka ku dillaaya,Dadku marka ay iska keenayaan oohinta ee aynna dhabb ka aheyn iyo Mar ka- kalena waad garaneysaa,Heesta hooyooyinku carruurta ooyeysa ay ugu heesaan Ayaa ah Codkii Qeyladda oohinta ilmaha in loogu baddelo Codd kale oo u raaxeeya si uu ugu seexdo.

ugu danbeyn,Illaahey Ilmada Naxariista leh ee  aggtiisa wax innooga goyneysa ha innagu suggo,Aan ooye Al-baabka ii xidhanna xassuuso.