Horumarka Shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo Saamaynta Dad iyo Duunyaba!

0
630

Waa wax lagu farxo markaad aragto Shirkaddo gaar loo leeyahay Sida kuwa Isgaadhsiinta oo kale  oo aad ogayd halkay kasoo bilaabeen , tadawurka ay soo sameeyeen iyo halka ay maanta taagan yihiin. Waxaa run ahaantii biyo-kama-dhibcaan ah in ay kaalinta kowaad kaga jiraan horumarka balaadhan ee dalkeenani ku talaabsaday ee ay maanta bulshadda caalamku inoo qirsan tahay kagana horeyno in badan duwalka caalamka gaar ahaan Qaaradan aynu ka tirsanahay ee Africa oo waliba la aqoon sanyahay. Taasna waxaa gundhig u ah Stragy yadda kala duwan ee ay dhigteen shirkadahaasi . dhinaca kale marka laga eego , waxay ka haqab tireen dadkooda adeegyo nooc walba leh oo la xidhiidha qaybaha kala duwan ee isgaadhsiinta haday tahay ; Fixed lines,  Cell phone, Internet , Zaad Service/E-Dahab iyo adeegyo kale oo aad u badan oo aanan halkan kusoo wada koobi Karin. Waxa iyana intaa dheer in  Duunyada kala duwan sida xoolaha looga faaidaysto adeegyada telephonada laguna Qoro Numberada telephonada si haddii ay lumaan oo kale oo cida heshaa ay usoo garaacdo telephonada xoolaha dushooda ku qoran. Arintani waa fursad ay adeegsadaan dadka xoola dhaqatada kunool goobaha baadiyaha ah, iyo waliba kuwa xoolaha ku leh Magaalooyinka dhexdooda.

Gunaanadkii;  Waxaan hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shirkadaha Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM IYO SOMTEL . oo run ahaantii ah cida dalka ka hirgelisay hawlahaa kala duwan ee aan sare kusoo xusay. Kuma ay iman si fudud laakiin dadaal iyo juhdi aad la timadeen ayaa keenay , halkaana kasii wadda ayaan idin leeyahay INSHA ALLAAH.

 

Halsan Media Group

NO1dNO2 TELSOM LOGO SOMTEL LOGO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here