Hogaanka Dhaqanka Awdal Waji Gabax Kala Noqday si foolxuna loogu galay Hargeysa

0
686

Boorama(Halsan): -Suldaan Abshir Maxamed Ducaale, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka ee Awdal ayaa sheegay ins afar ay Hargeysa ku tageen dhawaan ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo waji gabax ay kala kulmeen madaxda laamaha ammaanka ee xukumadda Siilaanyo.

 

Suldaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Boorama, waxa uu sheegay in Wasiir Warancadde iyo Taliye Cabdillaahi Fadal tixi galin waayeen arrimaha hogaanka dhaqanka Awdal Hargeysa u yimaadeen islamarkaana aanay u qaabilin si u qalanta hogaanka dhaqanka.

 

Suldaanka oo ka hadlaya ujeedka socdaalkooda ayaa yidhi  “Waxa aan ka waramayaa safar aan dhawaan ku tagnay Hargaysa oo daaranaa arrinta dad reer Boorama ha oo dhawaan laga xidhxidhay oo wax aanaan garanayn oo nagu cusub loo nisbeeyay xadhigooda,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Dhawr suldaan baan ahayn, oo kala ah, Sul. Samatar, Sul. Dhawal, Sul. Saleebaan, iyo aniga oo Sul. Abshir ah, markii aan Hargaysa tagnay arintana dhex galnay waxaan aragnay wax lala yaabo, dadka xidhxidhan wax kiis ah laguma sheegayo, tuhun baan ku haynaa ayaana lana yidhi, gabadh xidhan ayaan ka hadalnay oo lana yidhi walaalkeed oo xamar isku qarxiyay ayaan ku haysanaa,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Suldaanku wuxuu dhaliilay Warancadde iyo Fadal “Waxa aan la kulanay Janankii Booliska iyo Wasiirkii Daakhiliga, waxana ay na yidhaaheen wax cad ma hayno ee tuhun ayaan ku haysanaa oo waan haynaynaa uun, dadkaas la hayo qaarkood 3 bilood ayay xidhan yihiin, baadhitaankiisiina wali maanaan dhamaysan oo waan haynaynaa ayay noogu jawaabeen, wax lala yaabo ayaan soo aragnay, waase aduunyo oo wax aad hore u aragtay mar labaadna waad aragtaa ayaa la yidhi oo anigu 80aadkii Hargaysa ayaan joogi jiray, wixii ka socday Hargaysa ayaana manta socda, Tusaale ahaan 1982kii markii ay inamadii UFO u kaceen beelaha dhexe waxa ay sababtu ahayd xaaladii dhaqan ee dawladii jirtay oo dadka cabudhisay, hangash iyo wax ka daran oo qof damiir lahi ka damqadona dalka ku sii daayay, waana tii dhalinyartii UFO ka dagaalantay, wixii wax u eg ayaan manta arkaynaa oo hebel waa la qaaday ayuun baan maqlaynaa”.

 

Suldaanku wuxuu naqdiyay sida madaxda laamaha amnigu u qaabileen Salaadiinta “Nimankii aan halkaas ugu tagnay (Jananka Booliska & Wasiir Warancade) ma ay qiimayn magacayagii, ma ay qiimayn miisaankayagii, hungo ayaan kala soo laabanay, waxa ay noo diideen in ay damiin nagu siiyaan, waxa ay naga dhaqaajijeen in ay maxkamada keenaan, Wasiirka Daakhiliguna waa nin aanay cadaaladi ka muuqan oo aan go’aan lahayn, isla markaana aanan haybsan Karin labadii wasiir ee ka horeeyay sababta oo ah isagii aan la xidhiidhnay ee aan ku horaynay ayaa Janan aanan noo soo jeedin noo baryayay, Janankuna waabu na yaraystay, oo ninkii Jananka ahaa ee ka horeeyay ee SAQADHI ahaa AHUN, waxa uu ahaa nin ixtiraam leh oo wax kala garanayaa ayuu ahaa, aniguse ninkaas horba ulama aanan shaqaybn jirin oo  waan filayay Maya iyo Haa labadaba, laakiin salaadiintii gobolka ee marka uu halkan yimaad marwalba ka ag muuqanayay Warancade manta ayay soo quusteen, Wajigabaxna lagala soo laabtay oo uu Warancade Gabadh yar damiinkeed ku aamini waayay”.