Hogaamiyeyaasha Africa Oo Dood Adag Ka Galaya Sharciyada Maxakamadda ICC Oo Wax Laga Bedelayo

0
645

Maxkammada fadhigeedu u yahay magaalada Hague ee ICC ayaa maanta marxalad adag wajihi doonto iyadoo dalalka xubnaha ka ah Maxkamadaasi ay ka doodi doonan shuruucda muhiimka ah ee ay maxkamadaasi ku howl gasho.

Mid ka mid ah qodobada sida weyn loogaga doodi doono shirka golaha ICC ee Hague waxa uu yahay go’aanka muranka badan dhaliyay ee tirsigiisu yahay 68. Go’aankaasi ayaa waaxda dacwad oogidda u ogolaanaya inay adeegsadaan cadeyn makhraati diiday inay makhraati sii ahaadaan.

 

Kenya, sigaar ah waxa ay ugu ololeyneysaa in dalalka xubnaha ka ah golahan ay diidaan isbedelkaasi, kaas oo dalkani bariga Afrika ku yaalla ay u arkaan in loo adeegsanaayo kiiska ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo weriyaha Joshua Arap Sang, kawaas oo loo haysto dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Madaxda dalalka Afrika oo ay horkacayaan Koofur Afrika iyo Kenya waxa ay maxkamadda keli ah ee dembiya caalamka qaada ay ku eedeynaayaan inay dacweyso hogaamiyayaasha Africa oo keli ah.

Maxkamadda ayaa hadda u cadhaysan dalalkan Kenya iyo South AFrika. Kenya waxaa lagu eedeynaayaa inay ogolaatay in la handado makhraatiyada kiiska ka dhanka ah Ruto, halka Koofur Afrikana ay ku guuldareysatay xidhidda madaxweynaha Sudan Al-bashiir oo maxkamadda ay raadineyso.

 

Laakiin, madaxda ICC oo ay ka mid tahay madaxweynaha Silvia Fernandenz iyo dacwad oogaha, Fatou Bensouda waxa ay maxkamadda ku tilmaameen mid dhexdhexaad ah, waxayna ku doodeen in isbedelkan sharciga ICC uu noqonaayo mid maxkamadda xal dhexe ay ku raadineyso.

Ms Bensouda ayaa waxa ay horey u laashay eedaha ka dhanka ahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna ku dooday in marqaatiyaasha la laaluushay, loo caga jogleeyay ama marag been ah ay bixiyeen.

Taasi ayaa William Ruto ka dhigtay madaxweyne ku xigeenka keli ah ee asigoo xil haya uu kiis uga socdo ICC.

Waxaa lala xidhiidhinaayaa rabshadihii 2007dii Kenya ka dhacay kaddib doorashadii lagu murmay. Qiyaastii 1300 oo qof ayaa ku dhintay malaayiin kalena way ku barakeceen rabshadahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here