Hogaamiye Xirsi Cali X Xasan Oo Soo Bandhigay Kulamo Ay La Yeesheen Safiiro Ka Socday Wadamada UK Iyo Turkiga
Hargeysa(Halsan):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay kulamo kala duwan oo ay la qaateen safiiro ka socda wadamada UK iyo Turkiga.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo fariin uu kaga hadlaya kulamada ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in caalamku danaynayo inay qabsoomaan doorashooyinka somaliland.
Hogaamiye Xirsi ayaa fariintiisa ku yidhi “Kulankii Safiirada Uk iyo Turkey oo aan xiliyo kala duwan wiigan la qaadanay iyo Ololaha dunidu ugu jirto in aynu doorasho qabsano iyo sidii loo bilaabi lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo mar kale Dawlada Turkey-gu u tafaxaydatay in ay mar labaad
isi soo hor fadhiisiso labada dawladood Somaliland iyo Somalia.
Labadan arimoodba waa laba arimood oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, waa horumarinta nidaamka dawladnimo iyada oo la raacayo nidaamka aynu qaadanay ee Dimuquraadiyada oo ay tiirarkeeda ka mid yihiih doorashooyin xor ah oo xalaal ah inay ka dhacaan wadamada qaata nidaamka Dimuqraadiyada.
Arinta labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxay ka mid tahay albaabada aynu u mari karo madax banaanideena sidii aynu uga mid noqon lahayn dawladaha dunida, dadkeenuna u gaadhi lagaayeen himiladoodii ay mudada dheer naawilayeen.
Waxaa ayaandaro ah in dunidu danteenii inoogu soo noqnoqonayso oo dawladeenii aanay illaa hada hogaanka u qaban arimaha muhiimka u ah qarankan. waxaaa is waydiin leh markaa Ma inagaa dunida u baahan mise dunidaa inoo baahan? Waxay ila tahay maanta inagaa u baahan, wayse dhicidoontaa maalin si way laynoogu baahdaa hadii aynaan horteed siqiirin.
Waa halkii sagaale’ e, “xagay salaadu ka xidhmi la’dahay? dee imaamkii ayaan weli inoo xidhin” oo miyay u xidhmi wayday talaw? Bal adba!