Hogaamiye caan ka ah dunida oo qaliin saacado qaatay looga sameeyey wadnaha |
Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir ayaa la dhigay Isbitaalka ay nee caasimadda Khartoum, iyadoo lagu sameeyey qaliin dhinaca wadnaha ah. Wakaaladda wararka dalka Sudan ayaa baahisay in madaxweynaha oo 73 jir ah fiidnimadii Arbacada loo sameeyey qalliin fudud oo xidid kuwa wadnaha ah kaasoo xinjir lagaga saarayey. Madaxweyne Al-bashiir ayey wakaaladu sheegtay inuu waajibaadkiisii shaqo ku noqday markii qalliinka loo sameeyey ka dib uuna haatan shaqadiisa si caadi ah u wato. Sarkaal dowladda ka tirsan oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud oo saacado kooban qaatay. Al-Bashiir oo aan saxaafada la hadlin tan iyo markii uu ka soo baxay qaliinkaas ayaa xukunka ku qabsaday af-gembi sannadkii 1989, waxaana lagu eedeeyaa inuu caburiyo mucaaradka iyo warbaahinta, iyadoo dhinaca kale Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay ku eedaysay falal xasuuqa ah. Madaxweynaha ayaa eedeymahaas iska fogeeyey isagoo ku tilmaamay kuwo ujeedooyin siyaasaded laga leeyahay ayna ka dambeeyaan dalalka reer galbeedka. |