Hirdankii Xisbiga KULMIYE Oo Marxalad Adag Galay, Nuxurka Qodobadda laysku Hayo Iyo Garab La Filayo Inay Maanta Saxaafadda La Hadlaan

0
665

Hargaysa(Halsan):- loolankii u dhexeeyay Garbyadda ku hirdamaya Xisbiga taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa maraya meel xasaasi ah,waxaana garabka uu hadda Hogaamiye Wasiika arrimaha dibadda,Maxamed Biixi Yoonis ay hadda wadaan qorshayaal kale oo ku liddi ah dhaq-dhaqaaqyadii Maalmihii ugu danbeeyay ay samaynayeen garabka Muuse BIIXI Cabdi,kuwaas oo kulamo dhawr oo ay qaar ka tirsan Hotelada Waaweyn ee Magaaladda Hargaysa ku sheegay inay haystaan Aqlabiyadda Gollaha dhexe ee Xisbiga.

Xalay,ayaa garabka Maxamed BIIIXI Yoonis waxay kulan deg deg ah iskugu yimaadeen Hotelka Maansoor ee Magaaladda Hargaysa,waxaana la sheegay in ka wada hadleen inay Codsadaan in dib loo dhigo Shir-weynaha,waxaanay intaas raaciyeen in Hogaanka sare ee Xisbiga uu marin-habaabiyay Majarihii iyo wada lahaanshihii Xisbiga.

Waxyaabaha kale ee ay salluugga xoogan ka muujiyeen,ayaa la sheegayaa inay ka mid tahay Iclaaminta Xiliga la qaadanayo Kaadhadhka Xubnaha Gollaha dhexe ee shir-weynaha kasoo qeyb-galaya.

Si kastaba ha ahaatee,maanta ayaa la filayaa inay garabka Maxamed Biixi Yoonis ay si ramsi ah ula hadlaan Warbaahinta,isla-markaasna ay cadeeyaan waxay salluugsan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here