HIDDO-DHAWR BAA MISE WAA HIDDO-DOORIN !!!

0
665

Somaalidu waxay inbadan  kaga astaysnayd qawmiyahada ay dariska yihiin dhaqan iyo hido u gaar ah . dhaqanka somalida ayaa salka ku haya kana curta(unkama)  diinta islaam ka,  oo soomalidu muddo dheer haysatay.  Waxaana inbadan laga dareemaya Muritada iyo maahmaahyadooda . Islaantan aan magaceega la hayn oo ka hadlaysa ubb ka diinta iyo awoodda Alle ayaa tidhi.

 

“cirka tiir bira ka eeg dhulka toliin ku yaal

Rabiga talladaa leh baa bari la hor tagayaaye “

Waakan isna Aw ismacil (xamse) oo aroorta hore u qalylo-dhaamaya kuna boorinaya kicida salada subax

“aqalada tan waawayn la walwaalimaayee

Adhiraafe yare la weec-weecin maayee

Waynade geel  la weegaar sanamaaayee

Wixii wiil islaamedow waysada u toosee “

 

Sidoo kale Somalidu qadarin iyo xushmad ayay u hayn jireen  culimo aw-diinta Horjoogayasha u ahaa Arimaha diinta , yagoo Ragaba laba u qaybin jiray ; wadaad iyo waranle . Soomalidii horena Garta iyo arinkuba waxa uu  ka go’i jireen culimo aw-diinta,  ka hor intaanay ka  faramaroojin odayshii xeer-beeg tida ahaa. Wadaadaduna waxay lahaayeen xer laga karaamaysan jiray , habaarkuduna dhicijaray, lagana weegaarsan jiray . marka raxan wadaado ah reerka soo dul dagaaana loola yaacijiray cunno , cabin iyo hu’, intay ka haqab beelayaan. Waakan xer reer soo dul dagtay , xashaashaq na ku maqlay in neef ri’ ah loo soo wado , yagoo ka yabaalsan neef ka lagu sooryayo , sheegayana in ducado ku jirto neefka adhiga ah ee shilish, ayaa yidhi

“ lafa buur-buuranay riyo waa balaayee

Wankii badhi-laa balaayda kaa xijaabee “

 

Dhaqanka iyo Hiddaha soomalidu waxa uu ka turjumayay nolol maalmeedka ,aragtiyaha ,xadaradii oo ay ka mid tahay dhismayaasha iyo agabki la isticmaali jiray –sida kuwa wax lagu cuno , lagu qoto ama lagu dhaqo- iyo habdhaqanadoodi sida  geesinimada , faxalnimada ,sooryayn ta , Is-taakulaynta iyo astaam kale oo ay ku dheehantahay run ta iyo naxariistu.

 

Suugaant oo ah Labeenta  af soomaaliga , waxay ahayd weel kii lagu kaydinjiray Dhaqnka iyo hiddaha , fac ba faca ku xigana ugu gudbin jiray tix ama  tiraab. Se sugaantu ma ahayn hiddaha iyo dhaqanka somalida.Dadbadan ayaa u sawira maanta in hidihi iyo dhaqan kii somalida iyo diintu kala duruq sanyihiin , hiduna ka fac wayn yahay diinta , inbadana isu muujiya  inay dificaayan hiddaha iyo dhaqaan kii soomalida, oo ka turjumaya sooyal koodi. Se inta ay duminayaan ka balaadhantahay inta ay ilaalinayaan. ka ugu muuqa dheerina  ku soo uririyay hidihiiba fanka iyo sugaanta,  yadna la sii rifay ood moodo in suugantuba noqotay heesihii qaraamiga ahaa , imikan laga sii xuub-siibtay oo sugaantiba noqotay Kaman iyo biyaami, aanay somalidii hore ab iyo isir toona u lahayn .

 

Hadaba, Hiddihii maanta ma waxuu iskugu soo ururay Hesihii qaraamiga ahaa iyo haasaha habeenkii. dhaqankiina dhuuni ma inagaga hadhay , Faxalnimadiina fagaraha la isu furanayo , geesinimadiina  habeen gudka hablo iyo habraba aan loo kala hadhin, sooryayntiina ma kaba soonay . aaway hablahii xishood ka iyo xayaha lahaa? se hiddaheeno ma habeenkii  habluhu ha hayaamnan baa? Aaway Daqankeenii Hufnaa?

 

Hiddihu aad ayuu uga balaadhan yahay fanka iyo suuganta iskugu soo ururtay heesihii qaraamiga ahaa . goobaha lagu caweeyo, iyo bandhig faneeyada muusiga iyo heesa lagu caweeyo , xarumo hiddo iyo dhaqan maahee Madadaalo iyo maaweelin aan u bixino.

 

Dhamaad

 

W/Q:  Cabdiraxmaan Sudaysi

Email: sudaysi8@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/abdirahman.ahmed.9674227