Heshiiskii lagu Saxeexay Gaalkacyo oo Fashilmay iyo Dagaal maanta dib uga qarxay Magaaladaas

0
585

Gaalkacyo (Halsan):-Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala saxeexdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaadheen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhowayd ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay degmadaas.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha degmada Gaalkacyo ay lasoo deristay xaalad adag.

Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo oo Warbaahinta ugu warmay khadka telefonka ayaa sheegay in uu dagaalku yahay mid aad u xooggan oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub kala duwan.

“Dagaal aad u culus ayaa socda, madaafiicdu waxay ku hoobanayaan xaafadaha degmada, dagaalkuna waa uu socdaa, xaaladduna way kacsantahay,” sidaa waxaa yidhi Maxamed Cali Siyaad oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawl-gala Gaalkacyo oo aan Khadka teleefonka kula xidhiidhnay.

Arrintan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaaladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Raysalwasaaraha Somalia, madaxweynayaasha maamul-goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacyo iyo mas’uuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu iminka ka socdo dagaalka