“Heshiiska DP World Dib Ayaa Loo Horkeeni Doonaa Baarlamaanka” Wasiirkii hore ee Madaxtooyada

0
615

“Heshiiska DP World Dib Ayaa Loo Horkeeni Doonaa Baarlamaanka” Wasiirkii hore ee Madaxtooyada

 

 Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Xukuumaddii hore ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Baarlamaanka dib loogu celinayo heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, si buu yidhi Sharciga loo waafajiyo qodobbo wax iska beddeleen.

 

Maxamuud Xaashi Cabdi oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho Tv, ayaa sheegay in Heshiiska Somaliland la gashay Shirkadda DP World ee ay ku maalgelinayso Dekedda Berbera uu yahay heshiis rasmiya, balse intii Xukuumadda cusub ee KULMIYE Talada Dalka la wareegtay ay wax iska beddeleen, isbeddeladaana ay ka mid yihiin Saamiga Somaliland iyo DP World ka iibiyeen Dawladda Itoobiya oo marka la isku daro noqonaya 19%.

 

Maxamuud


Xaashi oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Heshiiskaasi waa heshiis rasmiya, waaka Maanta lagu dhaqmayo, waxa iska beddelay Qodobbo aan badnayn oo ay ka mid tahay heshiiska Saddex geesoodka ah ee aynu Itoobiya la galnay, saamiga Somaliland ka  iibisay (oo ah 5%) iyo Saamiga DP World ka iibisay Ethiopian Shipping Line Agency oo ah 14%, qodobbadaa dib baa Baarlamaanka loogu soo celin doonaa, si sharciyadda loo

waafajiyo.”

Shirkadda DP World ee Maalgelinaysa Dekedda Berbera ayaa Itoobiya ka iibisay saami dhan 14% oo ka mid ah 65% ay saamigeeda, halka Somaliland oo 35% lahaydna ay Itoobiya ka iibisay 5%, taasi oo macnaheedu yahay in Dawladda Itoobiya Dekedda Berbera ku yeelanayso Saami dhan 19 %.